Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Ururka Xaqsoor oo maanta Dalka ku soo laabtay (DAAWO)

Berbera (SLpost)- Wefti uu hoggaaminaayo guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Xaqsoor Md Xasan Ciise Jaamac, ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera.

Taageerayaasha ururka Xaqsoor ee gobolka Saaxil, gaar ahaana magaalada Berbera, ayaa gudoomiyaha iyo weftiga uu hoggaaminaayo kaga hor yimi barxada hore ee madaarka Magaalada Berbera.

Waftigan ayaa ka koobnaa, gudoomiyaha ururka Xaqsoor, gudoomiye ku xigeenka koowaad, gudoomiye ku xigeenka labaad, Aadan Ruush iyo murashax Saleebaan Daahir Dogox.

Md Xasan Ciise Jaamac iyo waftigiisa ayaa saxaafadda kula hadlay qolka nasashada ee madaarka, waxaanu ka war bixiyey socdaalkiisii Jabuuti iyo Itoobiya, isaga oo hoosta ka xariiqay arrimo door ah.

Ugu horayn wuxuu gudoomiyaha ururka Xaqsoor u mahad celiyey dhamaan taageerasha ururka Xaqsoor ee gobolka Saaxil, waxa uu yidhi,  “Socdaalkii aanu ugu baxnay dalka Jabuuti oo aanu ku maqnayn mudo tobaad ka badan, socdaalkaas oo uu ururku aad iyo aad ugu soo najaxay, marka hore ay na-casuumeen xubno aad muhiim ugu ah ururka, kana tirsan ururka oo dalkaas inoo jooga, taageerayaashii ururka waanu soo aragnay, waxaanu soo dhisnay xafiiskii ururka Xaqsoor ee Jabuuti, waxaan la ilaabi karin sida niyada ah ee ay taageerada buuxda noo siiyeen dadkii aanu halkaas kula kulnay, lama koobi karo oo aad iyo aad ayaanu ugu diirsanay”

Geesta kale gudoomiyaha ururka Xaqsoor wuxuu shaaca ka qaaday in aanay wafti ahaan u socon dalka Jabuuti, “Dawlada Jabuuti waftigani umuu socon oo wakhtigeedii maaha. Jabtuui hadii aan erey ka idhaahdo. Jabuuti aniga waxaa iigu danbaysay 14 sano ka hor, wakhtigaa hore ee Jabuuti iigu danbaysay waxay ku dhawaday Failed State (Qaran dumay) ayey qarka u saarnayd, lix bilood, todoba bilood ayaan mushaharada la qaadan jirin. Kalmadaas Failed State waagaas lama aqoon, hadase ilaahaybaa faraj u furay oo imika garanba maysid oo cirkaas ayey maraysaa, way dhisantay, dadki way kala jeesteen, shaqadi cirkaas ayey maraysaa, wadooyinkii, adeegii bulshada, aduunkiiba isugu yimi. Taasi waxay tilmaamaysa arrin taariikhiya oo la yaqaanay oo cida taariikhda aqoonta u lihi ay ka dharagsan tahay, waxay tilmaamaysaa in hogaanka dalka iyo dadkuba ay wax way badali karaan. Waaba Aayad quraana oo ilaahay inooma qarinba oo marka uu meel rogaayo kuwa ugu xun ayuu qadarku soo saarayaa oo madax meeshi madax u noqonayaa, markaasay la degayaan. Marka meel faraj ilaahay ugu tala galayna kuwoodii ugu roon roonaa hogaanka ku soo baxaya oo qadarku soo saarayaa, markaasay dabeeto wax wanaajinayaan. Itoobiyana maan tagin labaataneeyo sanadood, warkeeda waxaan ku hayaa inay sidaas iyo si layaab leh ay horumar u samaysay.”

Ugu danbayntii, waxa uu guddoomiyaha ururka Xaqsoor sheegay in meesha inoogu dhaw ee dhanka horumarka laga higsan karo ay tahay wadamada jaarka ee sida la yaabka leh u horumaray.

Aakhirkii waxaa hogaanka ururka Xaqsoor loo galbiyey dhankaas iyo xafiiska ururku ku leeyahay magaalada Berbera.