Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland oo Kulan la yeeshay Jaaliyadda dalka Ingiriiska

London, 26 March, 2012 (SLpost)- Weftigii uu Hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” oo booqasho shaqo ku jooga Magaalada London ee Cariga Ingiriiska ayaa Maanta kulan balaadhan la yeeshay Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Wadankaasi isla markaana uga Xog waramay Marxalada uu dalku ku jiro iyo doorka ay qurbo joogu ka qaadan karaan horumarinta Wadankoodii hooyo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay kulankan ku Weheliyeen Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Xukuumada iyo Ciidamada Amaanka ayaa waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” waxaanu jaaliyada Somaliland eek u dhaqan dalka UK uga mahadceliyay sidii milgaha lahayd ee ay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” iyo weftigii uu horkacayay ugu soo dhaweeyeen dalka Ingiriiska gaar ahaan ka qayb galka shirkii London iyo sida ay u muujiyeen rabitaanka qaranimada Jamhuuriyada Somaliland .

Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” Waxa uu intaas ku daray in marxalada uu dalku galay ay tahay ka midho dhalinta hayaanka dhinaca dimuquraadiyada iyo sidii ay Somaliland Madal kasta oo caalamku ku kulmo uga sheegan lahayd badheedheheeda ku aadan aqoonsi buuxa oo ay ka hesho adduunka intiisa kale.

Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid oo isaguna halkaasi hadal ka soo jeediyay ayaa ka warbixiyay waxqabadkii u hirgalay Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo,waxaa kale oo uu wasiirku iftiimiyay doorka qurbo jooga Somaliland ee ku wajahan horumarinta dalkooda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net