“Waxaanu ugu kala sad-burinaynaa (badinaynaa) siday waddooyinku ugu kala muhiimsan yihiin istaraatajiyadda Dalka iyo…” WASIIRKA Madaxtooyada

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan garab-taagan yihiinn isla markaana ay gacan ka geysanayaan dhismeyaasha waddooyinka dalka, isl amarkaana ay ugu sad-burinayaan sida ay waddooyinkaasi muhiimad ugu kala yihiin istaraatajiyadda dalka.

Md Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sidaas ka sheegay munaasibad uu lacag Dhan Boqol Kun oo Dollar ku wareejiyey guddiga Dhismaha Waddada Laamiga ah ee isku-xidhaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Balligubadle.

Wasiir Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maareeyaha Wadooyinka oo hoggaaminaya wefti balaadhan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha bulshada, Xildhibaan Nacnac iyo Xildhibaan Kijaandhe, Gudidada Waddada, ayaa gaadhay goobta ay ka socota dhismaha waddamada Balligubadle.

DHEGAYSO HADALKA WASIIRKA