“Waxaanu Ugu Baaqaynaa Madaxweynaha Qaranka JSL inuu Ixtiraamo Xuquuqda Lahaanshiyaha Muwaadiniinta ee…” Ururka SOLLA

 

Hargeysa (SLpost)- Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA ayaa bayaan ay soo saareen maanta waxa ay kaga hadleen gaadiid iyo hanti dadweyne oo dowladdu la wareegtay, kaddib markii ay ku xad-gudbeen go’aan muddo 25 maalmood ah lagu joojiyey ka-ganacsiga iyo keenista Qaadka.

Guddiga Xakamaynta Covid-19 ee Somaliland, ayaa go’aamo lagu xakamaynayo xannuunkan oo ay soo saareen 23-kii April ee sannadkan waxa ay gebi ahaan ku mabnuuceen keenista iyo ka-ganacsiga Qaadka, iyagoo go’aamiyey in xukuumaddu la wareegayso gaadiidka lagu qabto badeecadda Qaadka isla markaana xabsi iyo ganaax lagu ridayo Dadka iska leh ee lagu qabto.

Haddaba, bayaanka ay soo saareen ururka Qareennada ee SOLLA, waxa loogu baaq loogu jeediyey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo loogu jeediyey inuu ixtiraamo xuquuqda lahaanshiyaha ee Dastuurka dalku u jideeyey Muwaadiniinta isla markaana loo muwaadiniinta loo celiyo gaadiidkooda.

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa War-saxaafadeedka ka soo baxay Ururka SOLLA oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ururkaas Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo).

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLAoo maanta warbaahinta la hadlay, faahfaahin ka bixiyey ujeeddada guud ee uu xambaarsan yahay bahayaanka ay soo saareen.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net