“waxaan u arkay in aynu degnay degalkii ay qabyaaladu yururtay..” xildhibaan Dheeg oo ka hadlay sababta xukuumada uu u mucaaraday

 

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaan Maxamed Maxamuud Dheeg oo ka mid ah xildhibaanada golaha guurtida ee ugu dhawdhaw xukuumadda ayaa ku sheegay sababta xukuumadda wakhtigan uu uga goosta inay tahay in qaybyaalada iyo musuqu ay sare u kaceen, isla markaasna uu u adkaysan waayay.

waxa uu xukuumadda ku eedeeyay inay cuntay lacagtii dhulka loogu badali lahaa muwaadiniintii dhulkood madaarka Cigaal ee Hargeysa lagu soo durkiyay, waxaana isaga oo warbaahinta la hadlaayay uu yidhi “Hadii aad taliso taliso oo lagu diido waa in aad sheeto in lagu diiday, Somaliland geedibay ahayd oo waxay u ahayd inay guribarwaaqo ah oo nabadoon degto ictiraafna ku sugto, waxaan u arkay in aynu dagnay dagalkii ay qabyaaladu yururtay, alle inaga saaran waynu leenahay, waxaan is idhi markaas noocaas dadka hawqarin hana ku dhexjirin ee uga bax intaanay kugu dumin.”

xildhibaan-333x250

xildhibaan Dheeg oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“halkan waxa ka dhisan madaar ay Somaliland leedahay, waxa la keenay niman tujaar ah oo reer Kuwayt ah oo yidhi waanu idiin samaynaynaa, dhul lagu kordhinaayo oo dherer ah iyo dhul lagu kordhinaayo oo balaadh ah dad ayaana lahaa oo daganaa, nimankiina waa la tusay manay odhan dadka noo booba, waxa lagula heshiiyay in dhulkaas madaarka loo iibiyo, lacagtiina waa laga soo qaaday, dadkii waxa loo sameeyay koox deegaanka ah oo tidhaahda dhulka idinka ayaa leh shaqaaluuna idinka ayuu noqonayaa ee bixiya, badh way bixyeen badhana xoog ayaa lagaga qaaday intii kalena waxa la yidhi lacagtaa laydin siinayaa,lacagtii jeebkaa lagu shubta oo santi dadkii lagama siin, waa agoon,odayaal iyo dad degay Ingiriiskii oo aan halkaa iman meeshuna aanay diyaaradba lahayn, waxa la damcay in sida ay lacagtaas u leeyihiin meeshaba ay ka baxaan oo dawlad kale timaado lana yidhaahdo maxaad sheegaysaan, dadkii lacagta cunay waa ay calaamadsanyihiin,way muuqdaan oo way naaxnaaxeen.”