“ Waxaan Leeyahay Culimada Khilaafka Diinta Ha U Isticmaalina Warbaahinta, Warbaahintana Waxaan Leeyahay Ha Noqonina Kuwa Xambaara Khilaafka Diinta”Wasiir Cukuse

Hargeysa(SLPOST):-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi galinta Jamhuriyada Somaliland Md:Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse Ayaa uga digay Culimada dalku inay waxii  khilaaf diiniya ay isu mariyaan Warbaahinta,

cukuse22

waxaana uu sheegay in ka dawlad ahaan iyo Xukumada ahaantoona aanay ka raali ahayn in khilaaf diini ahi uu dalka ka bilaabo,Wasiirku waxaana uu sida oo kale uu  carabka ku dhuftay in khilaafka diiniga  ahi aanu u wanaagsanayn dhinaca Nabad galyada o sida oo kale waliba diinta lafteeda.

Wasiir Cabdilaahi Maxmed Daahir Cukuse oo maanta Warbaahinta ugu waramaayey Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyey in culimadu iyaga oo kaashanaaya Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriayda Somaliland ay warbaahinta isticmaalaan oo kaliya marka ay arimo diinta la xidhiidha ay ku wacyigalinayaan shacbiga reer Somaliland.

“Waxaanu ka hadlaynaa waa aragtida xukuumada oo runta ah,waxaanu ka hadlaynaa aragtida dadkan iyo qarankan sida ay u aragto muran diimeed oo dhaca anagu Xukuumad ahaan Dawlad ahaan iyo Umad ahaantoona diyaar uma nihin muranka diinta,muranka diintu inooma wanaagsana,muranka diintu waxaa uu keenaa khilaaf xun oo ciqdi ah oo dhamaadkiisu aanu fiicnayn diinta sida dooda kaleba laysagu qaban karo aragtiyo mad habo iyo dood cilmi lays wadaar sanayo wey leedahay oo waa lasamayn karaa.culimadana waxaan ugu yeedhaynaa iyaga oo kaashanaya wasaarada diinta iyo awqaafta  inay arimaha diinta had iyo jeer aanay u isticmaalin warbaahinta oo marka ay warbaahinta isticmaalayaan waa inay noqoto mar ay shacbiga ku wacyi galinaykuaann inay dhaqanka wanaagsan iyo diinta ay qaataan”.Ayuu yidhi Wasiir Cukuse

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse  waxaa uu sida oo kale uu Warbaahinta uu ka codsaday in ay joojiyaan in ay faafiyaan wixii khilaaf diini ah ,waxaana uu sida oo kale uu kala dardaarmay in ay khilaafka diiniga ah ay ku xambaaraan gacmahooda waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:

“..Waxaan ugu yeedhayaa saxaafada oo aan leeyahay min fadlikum hays ku dayina inaad in ay diintu  noqoto meel aad xambaartaan khilaafkeeda,diinta islaamka wanaageeda sharafkeeda karaamadeeda waxa ilaahay iyo rasuulkiisu ay yidhaahdeen xambaara taasaa ajar idiinku jiraayee,laakiin murankeeda iyo khilaafkeeda waxa uu doono ha ahaado waxa laga hadlayaabee,kol haduu yahay culimadu waxaa ay ku muran santahay waa aynu u fududaynaynaa dawlada ahaan”

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland/Office