Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaadda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay loollanka murashaxnimada ee ay shaaciyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi tahay arrin siyaasadeed oo xal loo heli karo balse ay jiraan arrimo kale oo khilaafka xisbiga Kulmiye gun-dhig u ah.
Wasiirkii hore ee ganacsiga oo maanta u warramay Telefishanka HCTV, waxa uu sheegay inay Kooxo Wasiirro ah oo ka tirsan xukuumaddu maroorsadeen awoodda Guddoomiyaha Xisbiga maroorsatay isla markaana ku shaqaysanaysay, arrintaasina tahay khilaafka ugu weyn ee is-maandhaafka Xisbiga Kulmiye ku salaysan yahay.
SOMALILANDPOST.NET