Wasiirkii Hore ee Ganacsiga iyo Arrimaha Dibadda oo Ka Hadlay Xaaladda Kulmiye

 

 

Hargeysa (SLpost)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa ka hadlay Shirka Golaha Dhexe ee Xisbig Kulmiye ee la rajaynayo inuu Salaasada furmo, waxaanu tilmaamay inuu aad ugu rajo weyn yahay in Shirkaasi uu ku dhamaanayo guul iyo in si xalaal ah loo tartamo.

 

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi siiyey ayaa sidoo kale baaq u diray Musharixiinta tartamaysa, waxaanu ugu baaqay inay wixii tuhun ah iska saaran, “Xisbiga Kulmiye waa Xisbi marxalado badan oo kale duwan soo maray, waa Xisbigii taladda dalka hayey, waa Xisbi balaadhan, Shirka Golaha Dhexe oo kaabiga inagu soo haya, maalmo yarna ka hadhsan yihiin waxa aan aad ugu rajo weynahay in Shirkaasi guul iyo gobonimo ku dhamaado, in iyada oo gacmaha la is wada haysto uu dhamaado, in iyada oo gacmaha la is wada haysto Shirka la galo, lagana soo baxo ayaan ku rajo weynahay, wixi Shirka Golaha ka soo baxana la wada taageero laguna wada kalsoonado la taageero  oo la dhiso, ayaan soo jeedin lahaa.

Musharixiinta tartamaya waa walaalo, waa isku xisbi, waa isku hadaf, inay is aaminaan, isku kalsoonadaan, wixii tuhuna ah ee ay kala qabaana inay iska saaran ayaan u soo jeedin lahaa iyo inay kalsooni tartanka ku galaan, oo aanay kala cadhoon, wixii farsamo u badan  in laga  heshiiyo, oo Guddida uu Madaxweynuhu u saarayna warbixintooda la dhagaysto.” ayuu yidhi Dr. Maxamed.

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar  ayaa mar uu Bulshada la hadlaayey waxa uu yidhi“Bulshada Somaliland waxa aan ugu baaqaya inay ka shaqeeyaan wada jirkooda, wada shaqayntooda ilaalinta nabadgaliyadooda iyo qaranimadooda, Dawladdoodana ay ku garab istaagaan hawlaha ay Qaranka u hayso”

 

Xigasho: Geeska Afrika