Wasiirka Warfaafinta oo Cusbitaalka ku Booqday Mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda oo Shil-baabuur ku Dhaawacmay

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka warfasfinta dhaqanka iyo wacyi galinta jsl mudane Sulayman Yuusuf Cali Koore ayaa saaka ku booqday hospitalka guud ee magalada hargeisa wariye Sacad Cabdiraxman Maxamud (Food-cadde) oo ka tirsan shaqaalaha wasaaradda oo dhawaan shil gaadhi ku dhaawacmay isagoo gacanta midig ka jabay 3 meelood dhawaana qaliin ku gali doona hospitaalka wayn ee magaalada Hargeysa.

Booqashaa Wasiirka Warfaafinta oo ahaa Mid ku ogaanayo Xaalada Saxafigan Ka tirsan wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland ee shilku soogaadhay ayaa ahaa mid uu la wadaagayo lana damqanayo shilkaasi culus ee soo gaaadhay, taaas oo macnaheedu noqonayso inuu Wasiir Koore noqonayo Wasiir si dhow ulal socoda Shaqaalaha wasaarada uu Masuulka ka yahay hadb xaalka ay ku Sugan yihiin.

Sidoo kalena wasiirku wuxuu kormeeray dadka bukaanka ah ee ku jira dhakhtarka wayn ee magaalada hargeisa isagoo u duceeyey inuu ilaahay ka dulqaado xanuunka.

Saxafi Sacad Foodcade oo hore uga mid ahaa Shaqaalaha Qaybta Ingiriisiga ee Idaacada Radio hargeisa Mudada Dheerna kasoo shaqeynayay Ilaa haddana ka tirsan wasaarada warfaafinta qaybta idaacada iyo Telefishankaba ayaa kamida ah Shaqaalaha Qunyar Socodka ah ee hibada ilahay u siiyey curinta iyo Qorashayaasha Barnaamijyada iyo mashaariicaha Wasaarada Wafaafinta Somaliland.

Wasiirka Sulaymaan Yuusuf Cali Koore ayaa Noqonaya Wasiirkii ugu horeeyey ee Dhamaanba shaqalaha Wasaarada warfaafinta La Qaybsada Dhibaatada iyo Xanuunada lasoo darsa shaqaalihiisa.

Xigasho: WajaaleNews