Wasiirka Wafaafinta Somaliland oo Qaabilay Ciidamo ka soo goostay Maamul-goboleedka Puntland

 

Taleex (SLpost)- Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa maanta soo dhaweeyey Ciidamo ku gaashaamaan hub iyo tikniko kuwaas oo ka soo goostay maamul-goboleedka Puntland.

Munaasibad loo sameeyey soo dhaweynta Ciidamada oo ku qabsoontay duleedka magaalada Taleex ee gobolka Sool, ayaa wasiir Saleebaan Cali Koore ku soo dhaweeyey si heer sare ah ugu soo dhaweeyey 150 Askari iyo gaadiid Tikniko ah oo ay wateen.

Ugu horeyn waxa munaasibadda ka hadlay sarkaalkii watay ciidanka ka soo goostay maamul-goboleedka Puntland, kaas oo sheegay inay dib ugu soo noqdeen deegaankooda isla markaana doonayaan inay ka mid noqdaan ciidamada Qaranka.

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose