Wasiirka Qoyska Iyo Arimaha Bulshada Oo Ka Jawaab Celiyey Hadal Wasiir Ku Xigeenka Amnigu Wax Kaga Sheegay Reer Awdal

Burco (SLpost)- Wasiirka Wasaarada qoyska iyo arimaha bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Garraad, ayaa ka hal celiyay hadal uu sheegay inuu dhawaan ka soo yeedhay Wasiir ku xigeenka amniga ee Wasaarada arimaha gudaha Cabdilaahi Obokor Cismaan, kaasi oo uu ku sheegay inuu ahaa hadal aan reer Awdal qabban.

Wasiirka qoyska oo maanta ka hadlayay Magaalada Burco, ayaa sheegay in Wasiir ku xigeenka amaanka ee Wasaarada daakhiligu uu reer Awdal ku sheegay dad niyad xun oo caloosha wax ku haysta, isaga oo Wasiir Garaad sheegay in hadalkaasi ahaa mid xumaan keenaya isla-markaana reer Awdal yihiin dad si saraaxad leh u hadla.

garaadWasiir Garaad oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Wasiir ku xigeenka amniga ayaa Kalmad reer Awdal dhibsaday halkan ka yidhi, waxaan jeclahay reer Awdal maaha dad niyada wax ku haysta ee waa dad maskax furan, waa dad si saraaxadle wax u sheega, waxaan u sheegayaa cidii ku dhawaaqday gooni isu-taaga waxay ahaayen odayaashii Boorama ka yimid, Borama waa meeshii ugu horeysay ee laga dhisay dawladdii ugu horaysay ee Somaliland” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray  “Waxaan ka xumahay wasiirka oo Borama aan dhaqankeeda aqoonin inuu wax ka sheego”

Wasiirka qoyska Somaliland, waxa kale oo uu soo qaaday  “Wasiirku malaha badhasaabkii loo bedellay ayuu hadalka dhagta ugu ridayay oo uu lahaa reer Borama waa dad niyad xun oo niyada wax ku haysta.”

Dhanka kale, Madax-dhaqameedka gobolka Awdal ayaa dareen cadho ka muujiyey hadal Wasiirka Arrimaha Guduhu todobaadkan ka sheegay xarunta Golaha Wakiillada, kaas oo nuxurkiisu ku saabsanaa khilaafka Doorashada ka dhashay ee gobolka Salal ee Wasiirku sheegay in Xal laga gaadhay.