Wasiirka Madaxtooyada iyo Wefti uu hoggaaminayo oo gaadhay dalka Maraykanka

Washington (SLpost)- Weftigii uu hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mudane Xirsi Cali Xaji Xasan oo ay xubno ka yihiin Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabilay) iyo Marwo Sacdiya oo ka tirsan guddida qaran ee dhismaha waddada Ceerigaabo, ayaa maanta duhurnimadii saacadda Bariga Maraykanka waxa ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Washington DC ee caasimadda dalkaas.

wasiirka weftiga USA (6)Weftiga Wasiirka oo ujeeddada ay dalkaasi u gaadheen tahay sidii ay jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka ugala qayb-gali lahaayeen xuska munaasibadda 18-ka May, waxaa madaarka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Rashiid Gaaruf, Guddoomiyaha Jaaliyadda Washington Xaashi Ismaaciil iyo qaar ka mid ah jaaliyadda Somaliland.

wasiirka weftiga USA (2)Weftiga oo garoonka lagaga galbiyay gawaadhida martida, ayaa la dejiyay goobo loo sii diyaariyay waxaana loo sameeyey marti-qaad qado-sharaf ah oo loo sii diyaariyey.

wasiirka weftiga USA (1)Wasiirka Madaxtooyada Xirisi Cali Xaji Xasan oo isagu weftiga hoggaaminaya, ayaa u mahad-naqay dadkii ku soo dhaweeyay Magaalada Washington DC, isagoo ugu bushareeyay inay munaasibada qaran ee 18-ka May kala qayb-galayaan.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay weftigu ka qayb galaan munaasibado kala duwan oo lagu kala qaban-doono magaaloyin dalka Maraykanka iyo Canada, halkaas oo ay kula hadli doonaan jaaliyadaha Somaliland ee waddamadaas ku dhaqan.

 

 

 

SOMALILANDPOST.NET