Wasiirka Madaxtooyada iyo maareeyaha Dekedda Berbera oo Dalka ku soo laabtay iyo Nuxurka Heshiis ay ku soo Galeen Dalka Imaaraadka Carabta

Berbera (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu weheliyo Maareeyaha dekadda Berbera Eng. Cali Xoor-xoor, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii muddo todobaad ah ay socdaal shaqo ugu maqnaayeen dalka Imaaraadka carabta.

Wasiirka Madaxtooyadda iyo Maareeyaha dekadda Berbera oo ka soo degay madaarka caalamiga ah ee magaalada Berbera, waxa soo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Warshadaha, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil iyo xubno ka mid ah Golaha Deegaanka degmada Berbera.

Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo warbaahinta kula hadlayey qolka nasashada ee madaarka, ayaa xog-warramay natiijada socdaalkii shaqo ee ay ku tageen dalka Imaaraadka Carabta.

Md Xirsi oo arrimahan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Waxaanu socdaalka ugu tagnay dalka Imaaraadka Carabta, sababta aanu u tagnayna waxay ahayd mid khusaysa horumarinta dekadda Berbera oo uu mudaba wada hadal u socday dekadda Berbera iyo dekeda kale ee caanka ah ee Dubia Port.”

Wasiirku waxa uu dhinac ka hadlay xidhiidh ay la sameeyeen dawladda imaaraadka Carabta, “Sidoo kale waxaynu xidhiidh la lahayn dawladda Imaaraadka carabta, horumarin haddii ay tahay iyo haddii ay mucaawimo kale tahay-ba oo iyadana aanu dabo-gal ku samaynaynay wixii dambe ee ay innaga tari karaan. Tusaale ahaan biyaha oo kale oo ay inoo qodeen ceelal badan oo aynu sugayno wajigii labaad oo ay beebka biyaha Hargeysa uga soo jiidayaan ceesha xumbo weyne ee ay balan-qaadeen,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi, waxaanu intaas ku daray isaga oo ka hadlaya kulamo dhexmaray madaxda dalka Imaaraadka Carabta, “Waxaanu la kulanay Wasiirul dawlaha Arrimaha dibadda Imaaraadka carabta, waxaana aanu ka helnay soo dhawayn wanaagsan iyo is afgarad fiican oo aanu ku heshiinay inay wax inagala qabtaan dhinacyada horumarinta iyo xoojinta cilaaqaadka labada dal.”

Wasiir Xirsi waxa uu sheegay inay soo galeen heshiis lagu horumarinayo dekedda magaalada Berbera, “Waxaanu ku heshiinay in la horumariyo dekadda oo la casriyeeyo oo heer caalami laga dhigo si loogu hirgeliyo adeegyadda daruuriga ah ee aanay lahayn,” ayuu yidhi Wasiirka madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net/Office

Berbera, Somaliland