Wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo maanta u baxay ka-Qaybgalka Shir Caalmi ah oo Somaliland lagu Marti-qaaday

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo uu weheliyo Agaasimaha waaxda Macdanta ee Wasaaraddaas, ayaa maanta u anba-baxay ka qayb-galka shirka Macdanta Qaaradda Afrika oo markii ugu horeysay Somaliland lagu soo marti qaaday.

MasuuliyiintaShirkan oo ah sannadle lagaga hadlo Maalgeshiga Macdanta qaaradda Afrika, ayaa 3-da ilaa 6-da Bishan ku qabsoomi doona Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, waxaana ka soo qayb-gali doona Wasiirrada Macdanta ee labaataneeyo waddan oo qaaradda Afrika ka tirsan.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ka hor intii aanu ka amba-bixin madaarka Caalamiga ah ee Egal International Airport, waxa uu faahfaahin ka bixiyey ujeeddada safarkiisa uu ka qayb-galayo shirkaas.

“Waxa aan u anbabaxaynaa sidii aanu uga qayb geli lahayn shirka Macdanta Afrika oo ka qabsoomaya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa. Safarkayga waxaa igu wehelin doona Agaasimaha Guud ee Wasaarada Tamarta, waxaanan rejaynayaa in aanu guul qaranka uga soo hoyn doono,” sidaa waxaa yidhi Wasiirka Wasaaradda Macdanta oo ka warramayay ujeedada safarkooda.

Wasiirka hadlakiisa sii watay, waxa uu yidhi, “In kabadan 17 dal oo kamid ah waddamada Qaniga ku ah Macdanta ee qaaradda Afrika ayaa ka qayb gelaya shirka. Waxaa kale oo iman doona waddamada horumaray ee adduunka waana shirka ugu balaadhan ee dhinaca Macdanta adduunka waana shir ka balaadhan kii Ustareeliya ee aanu ka qayb galnay, waxaanu ku soo bandhigi doonaa adduunkana bari doonaa khayraadka dalkayaga.”

Shirkan Macdanta Afrika ayaa ah mid sanadkiiba hal mar la qabto, waxaana lagaga wada hadlaa sidii loo horumarin lahaa Kheyraadka Macdanta Africa, waxaana lagu wada inuu todobaadkan gudihiisa ka furmo magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

SOMALILANDPOST.NET