Wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo Defiray go’aamo ay Ansixintooda Xaq u leeyihiin Golaha Sharci-dejinta Dalku, kana hadlay Qaabka Saami-qaybsiga Somaliland iyo Shirkadaha Shidaalka

Hargeysa, 28 February, 2012 (SLpost)-Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa ku dooday in aanay Golaha Wakiilladu wax shaqo ah ku lahayn ansixinta heshiisyada xukuumaddu la gasho shirkadaha shisheeye ee ku shaqada leh soo saarista macdanta iyo shidaalka dalka, arrintaasina tahay mid ganacsi oo fulinteedu gaar u tahay xukuumadda oo keliya.

Eng. Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu sheegay in faa’iidada dakhliga ka soo xerooda marka shidaal la soo saaro ay si isle’eg u qaybsan doonaan dalka Somaliland iyo shirkadda soo saarta, isagoo rajo buuran ka muujiyey in si dhaqso ah loo soo saaro shidaalka iyo macdanaha ku dugan dhulka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waraysigaas oo wasiirka wax lagaga weydiiyey arrimo dhinacyo badan taabanaya, waxa uu ku sheegay in wasaaraddiisu qaranka Somaliland wakiil uga tahay saddex waaxood oo kala ah biyaha, macdanta iyo shidaalka, waxaannu tilmaamay ilaa hadda in waxyaabo badan uga qabsoomeen dhinaca wax-soo-saarka biyaha, isla markaana ilaa toban ceel-biyood oo cusub ka qodeen degaannada Jaleelo iyo Xumbo-weyne oo dhinaca woqooyi-bari ka xiga caasimadda Hargeysa, kuwaasoo uu xusay inay wax weyn ka tari doonaan xaalada biyo yaraanta ah ee ka jirta caasimadda Hargeysa.

Waxa kale oo uu shaaciyey in ilaa 8 ceel laga qoday degaannada magaalada Burco, halka laba ceel oo kalena loo sameeyey Berbera.

Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, waxa uu daboolka ka qaaday inay qorshaha dhow damacsan yihiin sidii ay dalka ugu samayn lahaayeen harooyin iyo biyo-xidheenno waaweyn oo looga faa’iidaysto biyaha roobka ee sida dhibta yar badda ugu darsama, mashruucaas oo uu sheegay inuu maalgelin doono Bangiga Horumarinta Afrika.

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo ka hadlayey arrimaha shidaalka Somaliland, waxa uu caddeeyey inay wax-ka-beddel ku sameeyeen heshiisyo dhinaca shidaalka ah oo xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin la gashay saddex shirkadood oo kala yidhaa OPHIR Energy, Asante Oil iyo Prime Resources, arrintaas oo uu xusay in shirkaduhu la qaateen, isla markaana isku afgarteen in hawlo cusub iyo shaqo la bilaabo, isagoo intaa ku daray inuu wax-ka-beddelka heshiisyadaasi u gudbiyey golaha wasiirrada, si dhakhso ahna loo dhamayn doono. Waxa kaloo uu tibaaxay in shirkad la yidhaa Tullow Oil PLC oo haysata liisamada shidaalka ugu badan qaaradda Afrika timi Somaliland, sidoo kalena wadahadallo la yeesheen masuuliyiinta ugu sarreeya shirkaddaas.

Sidoo kale wasiirku waxa uu waraysigaas ku sheegay in xilligan xoogga la saarayo dhinaca sahaminta shidaalka dalka ku jira, balse aan weli la gaadhin waqtigii qodista ceelasha, waxaannu tibaaxay in sababaha sahamada badan loo samaynayaan tahay sidii looga badbaadi lahaa in khasaare lagu dhaco, maadaama ceelka keliya qodistiisu ku kacayso adduun gaadhaya ilaa 25 milyan oo dollar.

“Waxaannu doonaynaa in aannu shirkado tamar iyo awood ba leh oo wax inoo soo saari kara heshiis la galno, heshiiskaas oo noqonaya mid aan dhinac u janjeedhin oo caalami ah, isla markaana la mid ah ama u dhow heshiisyada shirkadaha shidaalka iyo dalalka Afrika wada galaal. Heshiishka aannu shirkadaha shidaalka la galayno noqon maayo mid Somaliland siinaya saamiga ugu yar, laakiin wuxuu noqon doonaa mid khayraadka si isle’eg loo qaybsado.”

Eng. Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu sheegay inay shirkad laga leeyahay dalka Canada la galeen heshiis dhinaca macdanta ah, taas oo baadhitaanno sahan ah ka wada degaanno ka mid ah gobollada galbeedka Somaliland, isla markaana jiraan shirkado kaloo xidhiidho la soo sameeyey, waxaannu intaa ku daray in macdan badan ku jiro dhulka Somaliland, sidaa darteedna xoogga saari doonaan sidii ay heshiisyo ula geli lahaayeen shirkado soo saara.

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo la weydiiyey qaabka shirkadda TGS-NOPEC u iibinayso macluumaadka ka soo baxay sahamin dhinaca shidaalka ah oo ay hore dalka uga samaysay, loona fasaxay inay khayraadkaas ku xaraashto suuqyo ku yaal dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, waxa uu ku jawaabay; “Horta shirkadda TGS-NOPEC sahanka iyadaa samaysay oo maalgelisay, waxayna ku bixisay malyuumaad doollarka Maraykanka ah, markaa xogaha ka soo baxay sahankaas iyadaa iska leh, laakiin waxa heshiiska ay Somaliland la gashay qeexayaa in marka macluumaadkaas la iibiyo Somaliland la siiyo saamigeeda. Ilaa iminka saddex jeer ayey shirkaddaasi macluumadka ay hayso iibisay, saddexdaa goorna dakhligii ka soo galay dawladdu qaybteeda way qaadatay. Ta kale markii shirkaddu macluumaadkan qaaday waxa kaga baxday lacag badan, lacagtiinna weli kalamay soo bixin. Macluumaadkaas waxay Somaliland ka faa’iiday in shirkado badan ku soo xidhmaan, haddii aanay xogtaasi jiri lahayna cidba inoomay timaaddeen.”

Waxa kale oo Jamhuuriya weydiiyey su’aal u dhignayd; ‘Warbixin shirkadda OPHIR soo saartay waxay ku sheegtay inay 75% saamiga shidaalka dalka qaadanayso, halka shirkadda RAK-gas oo laga leeyahay Imaaraadka Carabtu qaadanayso 22.5%, iyadoo Somaliland loo qoondeeyey 2.5% keliya, bal sida arrintaasi u dhacday faahfaahin ka bixi?, Wasiirka oo su’aashaas ka jawaabayey waxa uu yidhi; “Horta halkaas khalad baa laga fahmay. Saamiyada laga hadlayo ma aha kuwo ku saabsan sida loo qaybsanayo khayraadka shidaalka dalka, laakiin saamiyada laga hadlayaa waa kuwo ku saabsan goobaha (blocks) shidaalka Somaliland sida loo qaybsanayo iyo sida loo kala leeyahay liisanka goobahaas. Markaa 75% saamiga goobaha laga hadlayo waxa leh shirkadda OPHIR, halka 25% ay ka leedahay RAK-gas, markaa haddaba aan idiin sheego halka 2.5% ka Somaliland ka soo baxay. Shirkadahan shidaalka ayaa oggolaaday inay saamiyadooda wax ka siiyaan dawladda Somaliland, markaa shirkadda RAK-gas ayaa oggolaatay inay 2.5% Somaliland siiyo 25%-ka ay haysatay. OPHIR waxay oggolaatay inay 7.5% Somaliland siiso saamigeeda, sidaa darteed waxay Somaliland helaysaa saami dhan 10% oo ah goobaha, laakiin marka kharashaadka iyo wixii meesha la galiyey laga jaro dakhliga faa’iidada ah ee saliidda laga helo waxa loo qaybsanaaya si isle’eg (50%-50%).

Haddaba, markaynu si guud uga hadalno dalka Somaliland waxa uu ka mid yahay meelaha baatroolka laga helo, saliidda dalkeenna ku jirtaana waa nooc fiican oo ah nooca khafiifka ee qaaliga ah, dalkeenuna rajo badan buu leeyahay oo laba sanno ama laba sannado iyo badh gudahood waxaad ka arki doontaan riiggii shidaalka oo meel Somaliland ka mid ah laga qotomiyey, wixii dakhli ah ee ka soo xeroodana dalkeennu qayb fiican buu ka qaadanayaa.”

Dhinaca kale, Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu waxa uu sheegay in shirkadaha shidaalka ee heshiisyada la galay dawladdii Siyaad Barre ay Somaliland hadda ka maarmayso oo heshiisyo la geli doonto shirkad kasta oo tayadeeda la hubiyo oo dalka wax ka soo saari karta, isagoo xusay inay Somaliland shirkadaha heshiisyada hore ku jiray marar badan la samaysay xidhiidho lagaga dalbay inay dalka ku soo laabtaan, balse aanay wax jawaab ah ka helin.

Mar uu ka jawaabayey sababta ilaa hadda loo samayn waayey xeerka macdanta iyo shidaalka Somaliland ee loogu dhaqmo kii dawladdii Siyaad Barre samaysay saartay sannadkii 1984kii, waxa uu ku tiraabay; “Arrin culus baad i weydiisay oo runtii ah waxyaabaha iigu muhiimsan ee aan doonayo inaan dhammeeyo, shuruucdaasna waa lagu gudo jiraa. Wuu jiray sharci hore oo la diyaariyey, laakiin markii aan eegay wuxuu iila muuqday mid aan dalka anfacayn. Waxaan tagay dhowaan dalka Norway oo aan ka codsaday inay shuruucdaas innaga caawiyaan, iminkana waxaannu diyaarinay oo aannu gacanta ku haynaa sharcigii macdanta oo aannu isleenahay bilaha soo socda Golaha Wasiirrada u gudbiya, dabadeedna baarlamaanka loo sii gudbiyo si loo ansixiyo, sharcigii baatroolkana waannu diyaarin doonaa insha Allaah.”

Mar la weydiiyey su’aal ahayd sababta ilaa hadda Golaha Wakiillada loogu gudbin waayey heshiisyada dhinaca macdanta iyo shidaalka ah ee xukuumaddiisu la gashay shirkadaha shisheeye si sharciyadda loo dhawro, waxa uu ku jawaabay; “Horta anigu sharciyaqaan ma ahi, laakiin haddaan arrintan ka hadlo heshiisyada aannu shirkadaha macdanta iyo baatroolka la gallay waa heshiisyo ganacsi, arrintaasna waxa fulintooda iska leh xukuumadda, Golaha Wakiilladuna shaqo kuma laha, markaa qaddiyadda odhanaysa heshiis baatrool waa in baarlamaanka la geeyo anigu kama jawaabi karo.”

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo la su’aalay waxa ka jira eedo maamulka Gobolka Togdheer u jeediyey oo la xidhiidha in biyaha ka jaray xabsiga iyo cusbitaalka magaalada Burco, waxa uu yidhi; “Horta wakaaladda biyuhu si ay u qabato adeega bulshada u hayso. Waxa daruuri ah inay dadka ka hesho dakhligii biyaha la istcimaalay, markaa muddo ilaa dhawr iyo toban bilood ah oo aannu Wakaaladda Biyaha Burco la shaqaynaynay ogaysiisyo badan ayaa la siiyey maamulka Gobolka Togdheer inay iska bixiyaan lacagta biyaha goobaha ay maamulaan sida jeelka, dhakhtarka iyo goobaha kalee ay biyaha u dammaanad qaadeen.

Iminka Wakaaladda Biyaha Hargeysa hawshii u horraysay ee ay ku dhaqaaqeen wuxuu ahaa inay amreen in wixii lacag biyood lagu lahaa ay iska bixiyaan. Waxa uu ka bilaabay madaxweynaha oo loo sheegay in lacagtii biyaha ee madaxtooyada lagu lahaa uu bixiyo. Haddii madaxtooyadu lacagta biyaha iska bixin waydo waa laga jarayaa, meelkasta oo biyaha iska bixin weydana marka ogaysiiska la siiyo waa laga jarayaa, markaa horta annagu masaajidada Burco biyo kamaannu jarin, laakiin waxaannu amar ku bixinnay in jeelka iyo dhakhtarka laga jaro biyaha, maalin kadibna biyihii waa loogu celiyey, taasina waxay naga ahayd in aannu tusno in biyaha la jari karo haddii lacagta la bixin waayo,” ayuu hadalkiisa ku soo khatimay Eng. Xuseen Cabdi Ducaale.

Source: Somalilandpress