Wasiirka Maaliyadda oo soo saaray Wareegto lagu dhaqan-gelinayo Nidaam ku cusub habka Cashuur-qaadista

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada maaliyadda JSL  Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa soo saaray wareegto lagu dhaqan gelinayo Cashuurta ku dhejinta Tigidhada ee lagu magacaabo (Revenue Stamp).

Wasiirka maaliyaddu waxa uu wareegtidiisa ku socodsiiyey madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa bannaan ee dawladda inay dhaqan geliyaan wareegtadan isaga oo wasiirku dadweynahana  ku wargelinaya  in tigidhada cashuurtan ay ka heli karaan xafiisyada cashuuraha barriga ee gobolada iyo degmooyinka dalka.

Geesta kalena kulan lagaga hadlayey dhaqan gelinta iyo is-ticmaalka tigidhada cashuuraha  ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Boorame ee gobolka Awdal.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen saraakiisha ciidanka ee kala duwan, mulkiilayaasha Nootaayooyinka, madaxda garsoorka ee gobolka Awdal, gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka ee Boorame, xoghayaha dawlada hoose  iyo xeer ilaalinta gobolkaasi.

Kulankan oo uu shir gudoominayey  Gudoominayey ku xigeenka maamulka gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal ayaa waxaa warbixin tilmaamaysa habka isticmaalka tigidhada cashuuraha ka jeediyey la taliyaha waaxda cashuuraha berriga ee wasaaradda maaliyadda Aadan Nuur  Lo’-doon isagoo sheegay in maalinta Sabtida ah ee 12 bisha May uu dalka Somaliland oo dhan ka dhaqan-gelayo habka tigidhada cashuuraha.

Tigidhada cashuuraha ku dhejinta oo u qaybsan afar qay-bood ayaa  qiimahoodu kala yihiin 1,000 SLShilling, 6,000 Sh. SL, 10,000 Sh.SL iyo 20,000 Sh.SL.

SLpost News/Hargeysa