Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya oo la kulmey sarakiil ka socotey Britain

Muqdisho(SLpost)Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Jen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey Saraakiil sare oo ka socota Wasaaradda Difaaca Britain oo hoggaaminayo Jen John Lorimer. Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Saraakiisha Britain taageerada xoogan ee dawladdoodu ay la garab taagan tahay dalka Soomaaliya, gaar ahaan taageerada dhanka Ciidamadda.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in Saraakiisha ay isla soo qaadeen khatarta argagixisada ee gobolka iyo sidii wadajir looga hortagi lahaa, isagoo xusay in mar walba muhiim tahay in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay hormuud u noqdaan howlgal walba oo looga hortagayo cadowga.

“Wafdiga ka socda dawladda Ingiriiska oo Hoggaaminayo Jen. Lorimer waxaan isla soo qaadnay taageerada Dawladda Ingiriiska ee Ciidanka Qaranka. Waxayna balan qaadeen in ay xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Ciidanka si loo dardar geliyo dagaalka lagula jiro Cadowga”.

“Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka ay khatarta ku hayaan argagixisadu, Si aan u xoojino dagaalka lagu ciribtirayo mar walba waxaan u baahan nahay sidii iskaashi caalami ah loogu wajihi lahaa” ayuu yiri Wasiir Diini.

Kulanka ayaa waxaa ku weheliyey Wasiirka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke, iyadoo ay goob-joog ahayd Safiirka Ingiriiska u fadhida Soomaaliya iyo Diplumasiyiin kale oo ka tirsan Safaaradda.