Wasiirka Gaashaan-dhigga iyo Taliye Shaqalle oo sharraxay Sababta Madaxweyne Siilaanyo ku dhiirri-gelisay booqashada Fadhiisimada Faranta hore ee Ciidanka Qaranka

Gambadha (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Gaashaan-dhigga Somaliland Md Axmed Xaaji Cali Cadami oo maanta khudbad u jeediyey Ciidanka Qaranka ee fadhiisinkoodu yahay deegaanka Gambadha ee gobolka Sool oo madaxweyne Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminaya booqasho ugu tageen, ayaa ciidanka u jeediyey hadallo guubaabo iyo dhiiri-gelin ah.

Wasiirku waxa uu Ciidanka u sheegay in sababta ku dhiirri-gelisay in madaxweynuhu lugtiisa ugu tago fadhiisimada Ciidamada ee jiidda hore markii u horeysay ay tahay iyaga oo ka soo baxay masuuliyaddii ka saarnayd difaacista Qaranka iyo ilaalinta midnimadiisa.

cadami_shaqale“Saaka waa subax gooni ah oo ka duwan subaxyadii faraha badnaa oo idinkoo kaligiin ah oo dhufaysyada ku jira oo cadowga daafacaya, waana mihnaddii iyo xirfaddii aan ku soo caano-maasheen. Waa halkan loo yimid, warar badan oo wanaagsan baa baryahanba iska soo daba-dhacayey oo ka imanayey ciidamada Qaranka oo ku saabsan sida ay heeganka ugu yihiin difaaca qarankooda iyaga oo aan cidna waxba amaanaysiinin, cidna waxba uga tudhaynin,” ayuu yidhi Md Cadami, waxaanu intaas sii raaciyey, “Waa waxa ugu weyn ee ciidamada hadyad loo siiyo in boqorka ama madaxweynuhu hortooda tago. Waa qiraal laga markhaati kacay oo la leeyahay waad gudateen waajibkii iyo xilkii idinla gudboonnaa.”

Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqalle oo halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Ciidanka Qaranka, siiba qaybaha aagga Bari, waxa maanta sharaf u ah inuu madaxweynahoodu kala soo qayb-galo kulankan ballaadhan ee Ciidan-qarameedka ah si uu u arko xogogaalna ugu noqdo ciidanka uu taliyaha Guud u yahay. Madaxweyne, ciidanka halkan joogaa waa qayb ka mid ah Ciidanka Qaranka, waxaan aad iyo aad ugu ammaanayaa siday uga soo baxeen hawsha ciidanka iyo waajibaadka qaran ee ay umaddooda u hayaan.”

“Madaxweyne, waxaanu ugu ammaanaynaa kulan ballaadhan ee aad meesha fog uga timi si aad u aragto nolosha ciidanka, sida ay u nool yihiin, saannaddooda si la mid ah sida aad u indho-indhaynayso xaaladda gobollada iyo degmooyinka dalku ka kooban yahay,” Sidaas ayuu yidhi Sarreeye Gaas Ismaaciil Shaqalle.

Booqashada madaxweyne Siilaanyo ku tagay fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Gambadha, ayaa noqonaya markii u horeysay muddadii uu xilka hayey ee kormeer ku tago Jiidaha hore ee Ciidanka Qaranka.

SOMALILANDPOST.NET