Wasiirka Cusub ee BIYAHA oo Kormeeray Xarunta Biyo-soo-saarka Geed-deeble iyo Xaaladda uu kala Kulmay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda cusub ee Biyaha Somaliland Md. Xuseen Axmed Cabdulle, ayaa kormeerkiisii u horreeyey maanta ku tagay xarunta biyo-soo-saarka Geed-deeble ee degmada Daara-salaam oo qiyaastii 30 KM dhinaca Woqooyi ka xigtaa caasimadda dalka ee Hargeysa.

Kormeerka wasiirka oo uu ku wehelinayey Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Ibraahim Siyaad Yoonis oo isagu gadh-wadeen u ahaa, waxa uu ku soo maray dhammaan goobaha laga soo saaro biyaha sida xarumaha biyo-soo-saarka ee Geed-deeble iyo Biyo-khadar, ceelasha biyaha, berkadaha kaydka magaalada ee xaafadaha Sheedaha iyo Xero-awr, kuwaas oo uu soo indho-indheeyey si uu wax uga ogaado shaqada ka socota iyo xaaladeedaba.

biyahaMd. Xuseen oo kormeerkiisa mid mid ugu dul-joogsaday dhammaan xarumahaasi biyo-soo-saarka waxa uu warbixinno kaga dhagaystay shaqaalaha iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa u sharraxay qaabka ay u shaqeeyo nidaamkan isku xidhan ee biyaha soo gaadhsiiya caasimadda, waxaannu tusay qaar ka mid ah dhawr iyo toban oo ah ceelasha biyaha laga soo saaro, kuwaas oo qaarkood cusub yihiin, kuwo kale oo biyaha yareeyeyna la damacsan yahay in la beddelo.

Wasiirka Beeraha Md. Xuseen Axmed Cabdulle oo xarunta wayn ee biyo-saarka Geed-deeble kula hadlay shaqaalaha ka hawlgala waxa uu qiray inuu indhihiisa ku arkay shaqo aad u wanaagsan iyo nidaam aannu filayn oo isku xidh ku soo saaraya biyaha magaalada Hargeysa lagu cabbo, isagoo si weyn ugu mahadnaqay maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda Biyaha.

biyaha2 “Waxa ii farxad ah in Ilaahay ii sahlo inaan saaka  soo arko biyihii magaalada Hargeysa cabbaysay oo shaqaalaha ka shaqaynaya oo ammaan fara badan mudan oo marag u tahay intii aad halkan joogteen sidii aad biyahan gacanta ugu hayseen. Waxa kale oo farxad ah in Maareeyaha Wakaallada Biyaha oo muddadii saddexda sanno ee uu gacanta ku hayey wax wayn ka qabtay oo ay ka marag-kacayaan nidaamka shaqo ee mashiinnada, ceelashada iyo siday shaqada wax-soo-saarka biyuhu u socoto. Hawsha halkan ka socotaa waa mid aad u culus oo qof kasta oo aan indhihiisa ku arag la fudud, laakiin muujinaysa in dadaal aan hadh iyo habeen kala joogsi lahayn ku shaqanaysa,” ayuu yidhi Md. Xuseen.

Waxa kale oo uu shaqaalaha iyo dadweynahaba kula dardaarmay in laga wadashaqeeyo mashruuc lagu ballaadhinayo biyaha Hargeysa oo dhawaan la bilaabi doono, kaas oo uu maalgelinayo ururka Midowga Yurub, waxaannu yidhi, “Waxaan Ilaahay ka rajaynayaa innagoo iminka mashruuc ballaadhani gacanta inoogu jiro oo wejigiisii u horreeyey ee naqshadii iyo sidii wax loo bilaabi lahaaba intooda badani diyaar inoo yihiin oo Isha Allah Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo inoo dhagax-dhigi doono bisha September mashruucan oo Ilaahay cid amar ku siiyey inay inoo fuliyaan, markaa waxaynu u baahannahay hawshaa inoo soo socota sidii aynu gacanta isugu qabsan lahayn ee uga wadashaqayn lahayn in aynu falowgeed qabano.”

biyaha3Mr. Cabdillaahi Cabdi Cawaale oo ku hadlayey afka shaqaalaha biyo-soo-saarka Geed-deeble ayaa uga warramay wasiirka xaaladda ay ku shaqeeyaan oo uu sheegay inay tahay mid culayskeeda leh oo aan mar qudha kala joogsi lahayn, isla markaana shaqaaluhu u baahan yihiin in mar walba laga war hayo, isagoo si gaar ah u xusay in degaanka oo ay ku nool yihiin qoysaskooda iyo dadweyne kaleba aad ugu baahan yihiin xarun caafimaad iyo dugsi sare oo aanay lahayn.

SOMALILANDPOST.NET