Wasiirka Caddaaladda iyo Taliyaha Guud Ee Ciidanka Asluubta Oo Maanta Tabar Ufuray Saraakiil Ciiddan Asluubta ah

Hargeysa(SLPOST):- Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Masuuliyiinta Ciidanka Asluubta Somaliland ayaa maanta Tababar u furay saraakiil ka tirsan Ciidanka.

askar9

Asluubta. Tababarka ayaa mudada uu socdo ay ku baranayaan Saraakiishu hanaanka ay ula dhaqmayaan dadka dambiyada loo soo qabto ee Xabsiyada loogu keenayo iyo kor uqaadista Xirfada Askarta.

Wasiirka Caddaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa sheegay in lagu darsayo Tababarkan sidii loo hagaajin lahaa Akhlaaqda Maxaabiista si ay Jeelka uga baxaan iyadoo wax la baray islamarkaana la hagaajiyey dhaqankooda.

“ Waxaynu Baraynaa Xirfado marka uu Xabsigiisa dhamaysto Anfaca qofkii la soo xidhay, oo sidii ay ahayd in loo barana aad u baraysaan. Waynu ilaalinaynaa haddana waxbaynu baraynaa Maxaabiista. Nidaam-yada cusub ee Xeerka Xabsiyadu soo kordhin doono Insha Allah, waxaa ka mid ah Goorta Maxbuusku yeelanayo Siidayn Shuruudaysan.” Ayuu yidhi Wasiirka Caddaaladda Somaliland.

Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) Taliyaha guud ee Asluubta Somaliland oo isna la hadlay Saraakiisha tababarka qaadanaysa ayaa sheegay in qorshaha Ciidanka Asluubtu yahay hagaajinta Akhlaaqda Maxaabiista iyo sidii ay iyagoo wax bartay islamarkaana dhaqankooda la wanaajiyey uga bixi lahaayeen Xabsiga.

“ Tababarkani wuxuu ka mid yahay Aqoontii isdaba jooga ahayd ee Ciidanku u baahnaa iyo in Gabi ahaanba Xubnaha Ciidanka Asluubta la baro Xirfadooda iyo Mid waliba shaqada uu hayo in wax laga baro. Waxa la barayaa sidii ay u ilaalin lahaayeen Maxaabiista, Xabsiga iyo Agabkooda iyo dhamaanba wixii loo igmaday inay ka shaqeeyaan.” Ayuu yidhi Sareeye Guuto Xiirane.

Hay’adda Qaramada midoobay ee UNODC ayaa hirgalisay Tababarkan oo Saraakiisha ka masuulka ah Xabsiyada wadanku ku baranayaan duruus ku aadan sidii ay hanaan wanaagsan ula dhaqmi lahaayeen Maxaabiiska loogu keeno Xabsiyada.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland