Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo Shir Caalami ah kaga qayb-galay Dalka Maraykanka

Washington DC (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog), ayaa socdaal shaqo ugu kicitay dalka Maraykanka isaga oo isla shalayba ka degay Madaarka Washington Dulles Airport ee ku yaala magaalada Washington DC ee caasimada Maraykanka.

Dr. Xuseen Xoog waxa uu Maraykanka ku tegay safar gaaban oo saddex casho qaadanaya kaas oo uu kaga qayb gelayo shir ay ku soo casuuntay Hay’ada Madaxa banaan ee dawlada Maraykanka ee la yidhaahdo USAID, waxaana shirkan ka soo qayb-galay dhammaan dalalka  caalamka oo dhan.

Shirkan ayaa waxa lagaga wada hadlayaa sidii loo yarayn lahaa dhimashada Carruurta da’doodu ka yar tahay shan jirka; waddanka Somaliland waxa lagu qiyaasaa in kunkii caruura ee shan jir ka yarba ay 113 ka mida ay sannad walba u dhintaan xanuun. Dulucda shirkan ayaa khusaysa sidii tirada caruurta ah ee dhimata hoos loogu soo dhigi lahaa in kunkii caruurta ah ee da’doodu ka yar tahay shan jir aanay wax ka badan 20 caruura dhimanin sannadkii walba. Arrintanu waxay Somaliland u soo jiidaysaa inay hesho caawimo caalamka dhinaca xanuunada caruurta yaryar iyo xanaanaytooda iyo dawayntooda labadaba.

Wasiirka waxa Madaarka ku soo dhoweeyay Rashid Garuf, Wakiilka Somaliland iyo Xaashi Ismail, Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Washington DC.

Wasiirku ayaa lagu wadaa inuu ka soo dhoofo Washington DC maalinta Sabtida ee bisha June 16-keeda oo uu u soo kicitimayo dhinaca dalkiisa hooyo.

SLpost News Desk/Hargesa