Wasiirka Beeraha oo Kormeeray Mashruuca Beerlayda Tog-Wajaale iyo Arrimo uu ka hadlay

Tog-Wajaale (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim maanta booqasho iyo indho indhayn ku tagay Mashruuca Beerista Banka Wajaale.

Wasiirka ayaa waxa kormeerkiisan ku wehelinayey Isuduwaha Gabiley ee wasaaradda Beeraha, iyada oo ujeedada u weyn ee kormeerku ahayd indho indhaynta wax soo saarka Banka Wajaale oo sanadkan wax soo saarkiisu hoos u dhacay sababo la xidhiidha roob yaraan soo wajahday Deegaanka.

Wasiirka Beeraha_Togwajaale (2)Wasiirka Beeraha oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in sanadkan roobkii la filayey hoos u dhacay, balse ay ku rajo weyn yihiin in Roobka KARANTU  noqdo mid wax soo saar suurto galiya.

“Roobkii Gu’ga ee Sanadkan aynu sugaynay waxa uu noqday mid aan si fiican u di’in wakhtigan waxa inoo bilaabmay Roobka xilliga xagaaga da’ ee loo yaqaano karanta oo haddii uu sidan ku sii socdo noqon kara mid manaafacaad inoo yeesha oo aynu abaaraha iyo wax soo saarka hoos u dhacay kaga baxno, roobkan oo helay deegaanada Wajaale, Gabiley iyo Dilla ”.

Wasiirka Beeraha_Togwajaale (3)Wasiirka oo Beeralayda la dardaarmayaa waxa uu yidhi “Roobkan Karantu haddii uu sidan ku sii socdo waxa suurto gal noqon karta inaynu wax kala soo baxno biyo fiicana inooga da’o ee aynu ka faa’iidaysano”.

Sanadkan ayaa waxa hoos u dhacay roobkii Gu’ga oo ee la filayey kaasi oo keenay biyo la’aan iyo wax soo saarkii la filayey oo hoos u dhaca, iyada oo wasaaradda beeraha oo dhinaca cimilada dalka u qaabilsan rajaynayso in roobka karantu noqdo mid biyo badan oo wax soo saar lagula yimaado laga helo.

Wasiirka Beeraha_Togwajaale (1)