Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegay inay Hayaan Liiska Cuqaal Sharciga lala tiigsan doono iyo Sababta

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Maxamed, ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan liiska Cuqaal dambiga ay galeen aanu faahfaahin ka bixin oo uu sheegay inay Sharciga la tiigsanayaan.

Wasiirka Maxamed Kaahin ayaa hadalkan ka sheegaymunaasibad uu maanta ku daah-furayey dib-habayn iyo qalabayn lagu samaynayo xafiiska diiwaangelinta iyo Bixinta Kaadhka Muwaadinka ee wasaaradda Arrimaha Gudaha.