Wasiirka Arrimaha Dibaddu Muxuu Ka Yidhi Bixitaanka Xafiiska EU Ee Somaliland?

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka arrimaha dibafda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay xafiiska Midawga Yurub ee Hargeysa oo la sheegay inuu xidhmay, isaga oo cadeeyay in ay shaqaalihii xafiiska khafiifiyeen meel kalena u guureen.

waxa uu wasiir Biixi sheegay in iyaga oo xaga lacagta ku sababaynaya ay hoos u dhigeen xafiiskooda balse ay ku rajo weyn yihiin in ay ku qanciyaan in ay sii joogaan xafiiska shaqeeyana.

wasiirka ayaa tilmaamay inaanay war cad ka hayn ujeedka ay u baxayaan,waraaq ay ku baxeena aanay ka hayn waxaana uu yidhi.

“Waxa nasoo gaadhay oo warqad ahi majirto,warkaasna maxaqiijin karo,hasayeshe sidaas aad sheegtay ku talo jirnaa Sidaanu maqalnay in
ay Shaqaalaha khafiifiyaan oo dhimaan meel kalena u guuraan si ay kharashkoodu iyo lacagtoodu u yaraato.

intaas waxa uu wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ku  daray isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.”Qadiyadooduna waxa ay ku sababaystan tahay in iyaga oo xaga lacagta ku sababaynaya doonayaan in xafiiskii hoos loo dhigo war cadna wali kama hayno waraaqna noomay soo qorin.

waxa uu sheegay wasiirku in ay wada hadalo layeelan doonaan Masuuliyiinta Xafiiskaasi isaga oo cadeeyayna ilaa hada inaanay ujeedka ay xafiiska u xidheen kala soo hadlin waxaana uu yidhi.

“Marka ay waraaqda noosoo qoraan waxaanu ku talo jirnaa inaanu wada hadal layeelano,waxaanan ku talo jirnaa inaanu u bandhigno in loo baahan yahay inuu Xafiisku sidisii ahaahod,sidaad la socotaana wax aka shaqeeya qof Aji Hanib Ah,dadka intooda kalena waa Loo kala,waxaana ay shegeen inuu sii joogayaan shaqaalaha kale,balse wali wax cad oo keenay in Ay joojiyaan kama Hayno.

Biixi ayaa sheegay inuu ku dadaali doono inaanay xidhmin Xafiiskaasi kana hortagaan  inaanu xidhmin kuna raja wayn yihiin in ay ku qanciyaan in Ay xafiiskooda ka sii shaqeeyaan.