Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiinta Wasaaradda Khaarajiga Ee Norway

yoonis1Oslo, (SLP)- Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa la kulmay wasiiru-dawlaha khaarjiga dalka Norway Jens Mjaugedal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladdaas.

Kulankan uu wasiir Biixi la yeeshay masuuliyiinta arrimaha dibadda Norway ayay kaga wada hadleen gargaarka ay Norway siiso Somaliland, kaasoo ku dhaca sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund).

Dhinaca kale waxay wararku sheegayaan inay masuuliyiinta Norway iyo wasiirka khaarajiga Somaliland isla soo qaadeen wada-hadalladii burburay ee u dhexeeyay Somaliland iyo dalka Soomaaliya.yoonis

Labada dhinac ayaa warbixin rasmi ah kasoo saarin qodobbo rasmi ah oo ay isku af-garteen, iyadoo Norway ay ka mid tahay waddamada reer Yurub sida tooska ah mucaawinada u siiya Somaliland.

Somalilandpost.net