Wasiir Sacad oo ka warramay Ubucda Khilaaf Hakad-geliiyey Waxbarashada Jaamacadda Hargeysa oo maanta Dib loo furay

Sacad Cali Shire
Sacad Cali Shire

Hargeysa (SLpost)- Jaamacadda magaalada Hargeysa, ayaa maanta dib loo furay, waxaana si rasmi ah u bilaaban tahay waxbarashadii, iyadoo macalimiintii iyo Ardaydii Jaamacadd, muddo laba todobaad ah kaddib oo jaamacaddu u xidhanayd khilaaf soo kala dhex-galay maamulka iyo macalimiinta jaamacaddaas oo markii dambe sababtay rabshad khasaare sababtay oo ardayda qarkood ka geysteen Jaamacadda.

Go’aanka maanta dib loogu furay Jaamacadda Hargeysa, ayaa ka dambeeyey kaddib markii ay Guddiga Sare ee Jaamacaddu go’aamo lix qodob ka kooban ka soo saareen khilaafkaas, waxaana go’aamadaas lagu gaadhay in shaqada laga eryo laba macalin rabshadaha ardaydu sameeyeen lagu edeeyey inay ka dambeeyeen kuwaas oo kala ah Axmed Maxamed Cadaad oo ah hormuudka kuliyadda Sayniska iyo Tiknoolajiyadda iyo Prof Keyse Cali Geeddi oo ah hormuudka Kuliyadda Dhaqaalaha iyo Ganacsiga. Sidoo kale waxay Guddiga Sare ee Jaamacaddu si ku-meel gaadh ah guddoomiye ugu magacaabeen Wasiir ku-xigeenkii hore ee Caafimaadka xukuumaddii UDUB, Cismaan Buuri, kaddib markii guddigu aqbaleen is-casilaad ay hore ugu gudbiyeen maamulkii jaamacaddaas oo si ku meel-gaadh ah u sii hayey xilkaas.

Arday ka tirsan Jaamacadda Hargeysa oo lagu xidhiidhiyey inay gacan saar la leeyihiin macalimiin khilaaf ka dhexeeyey maamulkii jaamacada Hargeysa, ayaa 27-kii bishii hore oo jaamacaddu diyaarinaysay imtixaan laga qadayo arday, ayaa weeraray ku hujuumay jaamacadda, waxaanay khasaare u gesteen dhismaha iyo gaadiid dhex-yaallay xarunta jaamacadda, waxaanay arrintaasi sababtay in jaamacadda la xidho. Macalimiinta rabshadaha ardaydu sameeyeen lala xidhiidhiyey oo warbaahinta la hadlay, ayaa iyaguna masuuliyadda rabshadahaas isaga riixay Guddiga Sare ee Jaamacadda Hargeysa, iyagoo sheegay inay maamulka sare ee jaamacadda ku taageereen musuq-maasuq iyo qaraabo-kiil ay ku eedeeyey oo sababtay khilaafka dhexmaray.

Halkan ka daawo hadalka wasiirka.

https://youtu.be/TfLW3ah27R0