Wasaaradda Waxbarashadda oo farriin adag u dirtay Shaqaalaheeda hungurigu kaga jiro ka qaybgalka Doorashada Golaha deegaanka

 Hargeysa (SLpost)-Wasiirka wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sarre Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku wargelisay dhamaan-baa Agaasime waaxeedyadda iyo shaqaalaha wasaaradaba in cidii hunguri ka hayo ka qaybgalka doorashadda golayaasha deegaanka uu shaqadda iska casillo iyadoo sharcigga inoo degsan la raacayo.

Qoraalkan ka soo baxay xafiiska Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Somaliland ayaa u dhiggan sidan:

“Tixraac Wareegtadii ka soo baxday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) bishan 16/8/2012, kuna saabsanayd doorashadda golayaasha deegaanka oo la qaban doono November 2012-ka. Sidaa darteed waxa laydunku wargelinayaa haddii aad danaynaysaan ka qaybgalka xubinimadda golayaasha, in qofka shaqaalaha ah ee damaca yeeshay uu soo qoro warqadii shaqo ka tagista sida uu sharcigu qorayo. Waxaanu ku rajo weynahay in aad ka soo gaadhsiin doontan mudada saddexda bilood ah ee sharcigu qorayo, waxaan fursad uga faa’idaysan doona in aan idinku hambalyeeyo ciidal-fidrigga barakaysan.”

Arrinta ayaa ku soo beegmaysa xilli komishanka doorashooyinka qaranku iclaamiyeen xilliga la qaban doono doorashadda golayaasha deegaanka oo ku beegan 28-ka November ee sannadkan gudihiisa.

Somalilandpost News

Hargeysa, Somaliland