Wasaaradda Hawlaha Guud oo soo saartay Wareegto Dhaqan-galinaysa Xeer Madaxweyne Siilaanyo ku joojiyey Iibka Dhulka Hantida Guud

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka Somaliland Md Cabdirisaaq Khaliif, ayaa digreeto uu maanta soo saaray  ku mamnuucay qorsheynta iyo bixinta dhulka Danta Guud ah ee magaalooyinka oo ay hore ugu takri-fali jireen Goleyaasha Deegaanka ee dalka.

Wareegtadan oo dhaqan-gelinaysa digreeto madaxweynaha Somaliland ka soo saaray Iibinta iyo ku-takri falka dhulka Danta Guud ah, ayaa Dawladaha hoose ee dalka ka horjoogsanaysa inay wax shaqo ah ku yeeshaan maamulka dhulka danta Guud ah ee magaalooyinka, taas oo wixii hadda ka bilaabma ay dawladda Dhexe la wareegayso.

Digreetadan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandpost.net, ayaa lagu socodsiiyey Maayarrada magaalooyinka dalka Guddoomiyeyaasha gobollada iyo Mulkiileyaasha Beeraha magaalooyinka, halka sidoo kale ogeysiin la siiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddiga Iibinta Dhulka Danta Guud, Taliyaha Booliska iyo madaxweynaha Somaliland.

5455