Wasaaradda Diinta/Aw-qaafka iyo Guddiga Wanaag-farista oo isla Qaatay Qodobbo khuseeya Hawlaha ay iska kaashadaan

Hargeysa (SLpost)- Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland iyo Gudida Wanaag farista iyo xumaan reebista ayaa maanta wada gaadhay heshiis todoba qodob ka kooban oo taabanaya hanaanka wada shaqayneed ee u dhexeeya Wasaaradda iyo Culimada guddiga Wanaagfarista.

Heshiiskan oo khuseeya sidii labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen wanaaga dalka, diin, iyo dadkeena ayaa nuqul ka mid ah oo soo gaadhay Somalilandpost, ayaa u dhignaa sidan:-

• In si wada jir ah loo dardar geliyo hawsha wanaag farista iyo xumaan reebista.

• In xumaha soo kordhaya wax laga qabto iyadoo la kaashanayo wasaaradda arimaha gudaha.

• In la dhiirrigeliyo sidii kharashka guurka ku baxa hoos loogu dhigi lahaa, dhalinyaradana loogu fududayn lahaa guurka.

• In aflagaadada diinteena suubban cidii lagu helo xadhig aan cafis lahayn lala tiigsado.

• in cabashooyinka bulshada ee dhaqan xumada ku saabsan wax laga qabto isla markaana warbaahinta dalka laga joojiyo wixii dhaqan xumo faafinayo.

• in bishiiba mar si joogto ah labada dhinac shir uga wada yeesheen waxii u qabsoomay iyo waxii qabyo ah.

• In kaalin wax ku ool ah laga qaato hawlaha nabadaynta iyo Islaaxa umadda.

Dhinaca kalena gudoomiye ku xigeenka gudida wanaag farista cawil Xuseen cali ayaa ka hadlay booqasho ay maanta ku tageen xabsiga dhexe ee Magaalada Hargaysa waxana uu sheegay inuu socdaalkooda xabsigu ku wajahnaa sidii ay u wacdiyi gelin lahaayeen maxaabiista xabsiga ku jirta, isla markaana ay si gaar ah u booqdeen maxaabiistii ay gudi ahaan soo xidheen ee lagu helay aflagaado diinteena suubban. waxana uu tibaaxay inay sii wadayaan booqashooyinka noocan oo kale ah si maxaabiista loola socodo hab nololeedkooda guud iyo Xuquuqadka ay leeyihiin.

SLpost News/Hargeysa