Wariye Raage Oomaar oo Khudbad Dhiirri-gelinaysa Maal-qashi lagu sameeyo Somaliland ka jeediyey Shirkii Maal-geshiga iyo Ganacsiga ee London (DAAWO)

London (SLpost)- Wariyaha Caanka ah ee Raage Oomaar oo wakhtigan ka hawl-gala isla markaana xilal sare ka haya telefishannada ITV iyo Channel 4, ayaa khudbad dhiirri-gelin ah oo uu kula hadlayo maal-qabeennada iyo Ganacsato ah ka jeediyey Shirkii Maal-gashiga iyo Xidhiidhka ganacsiga ee Somaliland oo 14-kii bishan lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Shirka maalgashiga Somaliland oo ay iska kaashadeen dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland (UK-Somaliland Trade & Investment Forum), waxa lagaga dooday sida looga faa’iidaysan karo khayraadka kala duwan ee Somaliland hodanka ku tahay, iyadoo ay shirkaas ka qaybgaleen weftiga Ingiriiska ka socda oo ay hoggaaminayeen laba wasiir oo kala ah; wasiirrada Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Caalamiga ah ee UK- Mr. James Duddridge iyo marwo Lynne Featherstone, halka weftiga Somaliland uu ka hoggaaminayey madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Wariye Raage Oomaar oo Khudbad Dhiirri-gelinaysa Maal-qashi lagu sameeyo Somaliland ka jeediyey Shirkii Maal-geshiga iyo Ganacsiga ee London (DAAWO)Wariya Raage Oomaar oo ka mid ahaa shakhsiyaadkii lagu marti-qaaday shirkaas, isla markaana dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse haysta dhalashada dalka UK, waxa uu u soo bandhigay ka-qayb-galayaashii Shirka taariikhda iyo marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay ka dib dagaalladii dib-u-xoreynta dalka iyo saamayntii burburku ku yeeshay dhismaha dhaqan-dhaqaale ee bulshada Somaliland iyo heerarkii kala duwanaa ee dib-u-dhiska iyo horumarka nabadda iyo dhaqaalaha Somaliland soo maray 23-kii sanno ee u dambeeyey.

Raage Oomaar waxa uu shirkadaha iyo maal-qabeennada shirkaas ka qayb-galay sawir guud oo ka tarjumaya nabadda, deggenaanshiyaha iyo fursadaha maal-geshi ee ka jira Somaliland oo uu ku sifeeyey waddan ay shacabkiisu dhismihiisa xagga hoose ka soo bilaabeen, wakhtiganna mudan in lagu dhiirrigeliyo sidii ay uga faa’idaysan lahaayeen dhismaha dawladnimo ee soo dhisayeen muddada 23-ka sanno ah.

Waxa uu maal-qabeennnada iyo shirkadaha ka Qayb-galay kulanka u soo bandhigay in Somaliland tahay meel u qalanta maalgashi lagu sameeyo, waxaanu si gaar ah xoogga ugu saaray khudbaddiisa ganacsiga gaarka loo leeyahay.

HALKAN KA DAAWO KHUDBADDA RAAGE OOMAAR.

SOMALILANDPOST.NET