WAriye ABIIB IIMAN XASAN OO FAAHFAAHIYEY SABABTA MAAREEYAHA TVGA QARANKU U DALIISHADAY SHAQO KA ERYIDDIISA

 

Hargeysa(SLpost)- Weriye Abiib Iimaan Xasan oo ka mid ahaa weriyayaashii ruug cadaaga ahaa ee warbaahinta dawladda, ayaa sheegay in shaqaddii laga eryey ka dib markii lagu eedeeyey inay barnaamijyo uu soo saari lahaa ku baaqdeen.

Maareeyaha telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas ayaa wariye Abiib Imaan oo digniin la’aan shaqadda uga joojiyey, isagoo ka mid ahaa afartii wariye ee lagu bilaabay Telefishanka Qaranka muddo dheerna ka shaqaynayey warbaahinta Dawladda iyo kuwo madax banaanba.

Abiib Iimaan Xasan ayaa cadeeyey in shaqadda laga joojiyey, waxaanu xusay inay wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta is arkeen, isla markaana si fiican isku qanciyeen oo uu ka war sugayo, isagoo arrimahaasi sharaxaya waxa uu yidhi “waxaa isoo wacday gabadh qaybta maamulka joogta telefishanka qaranka oo la yidhaahdo Aamina waxay Aamina igu tidhi waxaan ku haya waraaq ee soo doono, markii aan imid ee aan warqada furay waxa ku qoran , Barnaamij ayaa Kaa baaqday iyo Markii aad diiday Xilkii aan kuu magacaabay, marka sidaas bay shaqaddii igaga joojiyeen”.

ABIIIIIIIIIIIIIIB

Abiib wuxuu sheegay in aanay jirin shaqo ku baaqatay, isla markaana been laga sheegtay isago eedda saaray madaxa barnaamijyadda Deeqsi oo uu sheegay in barnaamijkaygii oo baxay uu qoray barnaamijyaa ku baaqday, taasina ay tahay buuyidhi wax aan waxba ka jirin, sidoo kale waxa uu xusay in aan hore loogu digin ee degdeg shaqadda looga eryey.

Wariye Abiib Iimaan ayaa sheegay inuu telefishanka Qaranka wax badan ku taray, isla markaana heesaha lagu amaanayo iyo heeso kale ee Ciidda loo saaro dadweynaha uu isagu sameeyey, isla markaana wax badan oo tamar iyo awood ahba uu galiyey Telefishanka.

Si kastaba ha ahaaatee, shaqadda laga joojiyey ayaa ah mid khalad ah oo aanay awood u lahayn wasaaradda warfaafinta, isla markaana ay shaqadda ka eryi karto uunhay’ada shaqalaha dawladda taas oo maamusha una dooda shaqaalaha, sidoo kale waxay ahayd inay qofka marka uu khalad sameeyo in la siiyo digniin,nasiib darose aan hore loo siinin wax digniin ah.

Somalilandpost

Hargeysa