Wararkii u dambeeyey Suxufiyiin Toogasho lagu dilay iyagoo ku guda-jiray Baahin Toos ah

Virginia (SLpost)- Laba Suxufi oo ku guda-jiray baahinta barnaamij toos ah, ayaa gelinkii hore ee Arbacada lagu dilay gobolka Virgnia ee dalka Maraykanka, waxaanay masuuliyadda dilkaas lala xidhiidhiyey qof ay ka wada-shaqayn jireen telefishanka.

Suxufiyiintan oo lagu kala magacaabi jiray gabadh Weriye ah oo lagu magacaabo Alison Parker iyo Sawir-qaade Adam Ward, ayaa ka tirsanaa Telefishin Maxali ah oo lagu magacaabo WDBJ7, waxaanay xilliga la dilay ku gudo-jireen baahinta barnaamij si toos ah oo lagu waraysanayey haweenay ka tirsanayd dadweyne ka adeeganayey meherad ganacsi. Haweenaydan ayaa la sheegay in dhaawac ka soo gaadhay rasaasta lagu khaarajiyey labada weriye.

labada weriyeHal nin oo sida la sheegay ku hubaysnaa bastoolad, ayaa riday ilaa sideed xabadood oo uu la beegsaday labada Suxufi, waxaanay wararku intaas ku dareen in ninka falkan fuliyey uu isaguna isla goobta isku toogtay, balse lama caddeyn inuu dhintay iyo in kale.

Sida aanu ka soo xigannay wakaaladda wararka ee Reuters, daqiiqado kaddib falkan lagu dilay labada weriye, waxa barta xidhiidhka bulshada ee Twitter lagu baahiyey muuqaal video ah oo muujinaya sida dilku u dhacay, kaas oo la rumaysan yahay inuu duubay qofkii dilka geystay.

Booliska gobolka Viginia ee Maraykanak ayaa ku daba-jira Ninka Falka looga shakiyey inuu fuliyey oo lagu magacaabo Vester Flanagan kaas oo sida la sheegay ka tirsanaa hawl-wadeennada telefishanka ay u shaqaynayeen labada suxufi.

SOMALILANDPOST.NET