WAR-GELIN: Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE

kulmiyeXoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye wuxuu ku war-galinayaa dhamaan Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE inay kasoo qayb galaan Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo dhici doona 31/03/2013, ahna maalin Axad ah kana dhici doona Hotel Maansoor Saacadu markay tahay 9:30 Subaxnimo, shirkaas oo socon doona hal maalin.

Mar labaad dhamaan Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE waxaan ku adkaynayaa in ay kasoo qayb galaan shirkaas oo aanay ka maqnaan.

ALLAH MAHAD  LEH.

Md. Mustafe Maxamed Yoonis (Mustafe Waxdad)

Xoghaya Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE