Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) Oo Canbaareeyay Dilkii Wariyaha Tv-ga Universal Ee Magaalada Laas-caanood

Hargeysa (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa si kulul u canbaareeyay dilkii wariyaha Telefishanka Universal ee magaalada Laas-caanood Marxuum Axmed Saakiim Faarax Ilyaas, oo maalintii salaasadii gacan aan la aqoonsan ilaa wali weerar toogasho ah ku dileen isaga oo ku sii hoyana gurigiisa oo ku yaala badhtamaha magaaladaas.
Xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta Somaliland Maxamed Rashiid Muxumed Faarax oo ka hadlay markii dilkaasi dhacay, ayaa ugu horayn tacsi u diray, qoyskii iyo ehaladii Marxuumka, Illaahayna uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo.
Intaa ka dib waxa uu xog-hayuhu sheegay in Wariye Axmed Saakiim uu ka mid ahaa gudida fulinta ee ururka Solja, ahaana wakiilka ururkooda ee magaalada Laascaanood, xoghayuhu waxa falkan lagu dilay Marxuumkaas ku tilmaamay dhacdo ugub ku ah Somaliland, oo noqonaysa markii ugu horaysay ee suxufi dil loo gaysto, taas oo argagax iyo naxdina ku noqotay suxufiyiinta iyo shacbigaba.
Maxamed Rashiid ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay gacanta ku soo dhigto oo caddaalada hor keento cidii ka danbaysay falkaas foosha xun.
Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidh markii falkaasi dhacay uu la sameeyay, Guddoomiyaha gobolka Sool, oo sida uu tilmaamay u sheegay in lagu dabo jiro cidii falkaas gaysatay si wayna looga shaqaynayo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.

SOMALILANDPOST.NET