Ujeeddada Socdaal Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Xubno Golaha Wasiirrada ka tirsani ugu Baxeen Dalka Ingiriiska (DAAWO)

Berbera, 09 May, 2013 (Ogaal)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti uu Hoggaaminayo, ayaa shalay socdaal ugu kicitimay dalka Ingiriiska, halkaas  oo ay jaaliyadda kala qeyb galayaan Xuska munaasibadda 22-guurada dib-ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland ee 18-ka May.

Madaxweyne Ku xigeenka oo shalay ka dhoofay madaarka Berbera, waxa socdaalkiisa ku wehelinaya Wasirrada Maaliyadda iyo Ganacsiga Md Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka Marwo Amaal Xaaji Miisaan.

Madaxweyne Ku xigeenka oo qolka Nasashada ee madaarka Berbera saxaafadda kula hadlayay ayaa sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho sidii ay munaasibadda 18-ka May ula weynayn lahaayeen Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Boqortooyada Ingiriiska.

“Aniga iyo Weftiga ila socdaa waxaanu ku sii jeednaa dalka Ingiriiska, si aanu ugala qayb-gelno jaaliyadda Somaliland ee ku sugan Carriga Ingiriiska, dabbaal-degga xuska sannad-guurada 22aad ee ka soo wareegtay dib-ula-soo noqoshadii Madax-bannaanida Somaliland,” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku.

Madaxweyne Ku xigeenka iyo weftigiisa waxa madaarka Berbera ku sii sagootiyay madaxda maamulka gobolka Saaxil, ka degmada Berbera, maareeyaha dekadda Berbera iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Somaliland.

DAAWO MUUQAAL

Somalilandpost.net