Ujeeddada Dacwad ka dhan ah Golaha Guurtida oo loo Gudbiyey Maxkamadda Sare ee Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Siyaasiyiinta Ku midoobay Madasha Wada-tashiga, ayaa Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah u gudbiyey Dacwad ka dhan muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u samaysay Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland.

Siyaasiyiinta Madasha wada-tashiga ayaa kaddib markii ay dacwadda u gudbiyeen Maxkamadda Sare, waxa ay saxaafadda kula hadleen barxadda hore ee Maxkamadda Sare, waxaanay ka war-bixiyeen ujeeddada rasmiga iyo macnaha ay xambaarsan tahay dacwadda ay u gudbiyeen Maxkamadda Sare.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa la hadlay saxaafadda waxaanu sheegay in ujeeddada ka dambaysa dacwadda ay gudbiyeen khusayso muranka siyaasadeed iyo sharci ee dalka ka taagan kaas oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka dalka.

“Waxa la ogyahay inuu dalkeena ka taagan yahay muran siyaasi ah mid sharci ah oo aad mooddo in laysla mari la’yahay, goleyaasheenna iyo intay jireen iyo siday u joogaan waa la ogyahay. Kol haddii xaggaas laysku mari waayey, waanu is-nidhi, saddex waddo uunbaa bannaan marka maamul dawladeed laga cabanayo,” Sidaas ayuu yidhi Xasan Guure.

Oday Xasan Guure oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Midi waa kii la soo dhaafay ee qoriga ahaa oo hadda ma jiro, midina waxa weeyi in siyaasadda ay isku af-gartaan xisbiyada oo goleyaasha wakhtigoodii lagu doorto, tiina way fashilantay.

Waxaanu is-nidhi, dariiqa kaliya ee bannaan waxaanu u eeranay maxkamadda Dastuuriga ah inay dib u eegto go’aamada ay gaadhayaan Guurtida, waayo waxaanu u aragnaa in Guurtida laftigeedu aanay sharci ahayn, waxaan sharci ahaynna, sharci ma samayn karo.”

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashigu waxa uu sheegay in Goleyaasha Sharci-dejinta iyo Fulintu ku fashilmeen hoggaamintii dalka, sidaas awgeedna ay garowsadeen inay xalka muranka siyaasadeed ee dalka ka jira ka raadiyaan waaxda Saddexaad ee dhismaha dowladnimada dalku ka kooban tahay oo ah Waaxda Caddaaladda oo Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ahi u sarreyso.

Somalilandpost.net