UDUB iyo ka dayrinteeda khataro ka dhalan kara dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ka digay dib-u-dhacyo iyo muddo-kordhin ku yimaadda doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo kuwa ka dambeeya ee Golayaasha Baarlamanka iyo Madaxtooyada Somaliland.

Mr. Warancadde, waxa uu sheegay inaanay UDUB ahaan ku qanacsanayn baaq dhawaan ay soo saareen Guddiga doorashooyinka Qaranka oo nuxurkiisu ahaa inay Xukuumadda iyo Golayaasha Sharci-dejintu dedejiyaan arrimaha doorashada quseeya ee iyaga ku xidhan. Cali Maxamed Warancadde, waxa uu sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Hargeysa.

Cali Waran-cadde

“Waxaan doonayaa inaan ka hadlo maanta dhibaatooyinka ay keeni karaan dooroshooyinka oo dib isu wada riixay oo runtii wakhtigii aynu filaynay inay dhacaan ay ka baaqdeen oo dhammaantoodna la kordhiyay. Haddalkii ka soo yeedhay Koomishanka doorashooyinka maalintii dhawayd warkii ay soo saareen oo u eka mid ay kaga xuubsibanayaan masuuliyaddii saarnayd oo ay u dhigeen haddii waxaa iyo waxaa laqaban waayo doorashooyinkii inay dib u dhacayaan oo ay afeef ka sii dhiganayaan.waddanka dawlad baa ka dhisan axsaabna way ka dhisantahay oo way jirtaa haddii aan la qiimaynayn shaqada  koomishanka iyo hamiyada uu leeyahay  looma baahnaadeen Komishanba. Markaa, Koomishanku waxa weeye hay’adda ugu xoogga badan ee dawladda iyo axsaabtuna kaga dambeeyaan arimaha doroshooyinka.” Sidaa ayuu yidhi Cali Maxamed Warancadde.

Isaga oo arrimahaa sii faahfaahinayana waxa uu yidhi; “Arrimahaa ay maanta ka cararayaan ee ay leeyihiin haddii Golaha Wakiilladu qaban wayaan ama dawladdu wixii way isfuulayaan oo doroshooyinkii dibbay u dhacayaan oo u muuqata annagu shaqo kuma lihin. Anigu taa midka duwanbaan qabaa oo ah cidda masuuliyaddaa leh waa inay dawladda dabada ka riixdo oo axsaabta dabada kariixdo wixii ku xidhan arintaas waxa iska leh Komishanka Qaranka. Waxa kale oo muuqda waddankan waxa laga sameeyay diiwaan-galin, Diiwaan-gelintaas markii lagu galay doorashada waynu la soconnay dhibatadii ay lahayd intii Somaliland soo jirtay  wixii inna carqaladeeyay ee ugu qatarta badnaa waxa ka mid ahaa diiwaan-galintaas oo markii ugu danbaysay ee dooroshooyinku dhacayeen waxay gaadhay muran xooggan oo nala kalo dhex galo oo Gaaladu nadhex-gasho oo inta shuruucdeennii laga guuray lix qodob nala soo dhexdhigay oo waxaynu ku dhawaannay arrinka Xamar oo kale.”

“Haddii aanay talada hayn Rag u bisil oo u daacad ahi hoggaaminta dalkani dhib badan innagu keeni lahayd.wax wal oo ka hor imanaya shuruucdeenna  in loo baabiyo oo loo dhaafo sidii dalkan iyo dadkan u gudbi lahaayeen. Maantana waxaad mooddaa inay tii soo noq-noqonayso oo doorashooyinkii xilligoodii ku qabsoomaynin waa mid diiwaan-gelintii oo nimakii Gaalada ahaa yidhaahdeen diiwaan-gelintii laguma gali karo oo haba yaraatee wax tallaaba ah laga qaadini jirto oo kale ah.” Ayuu yidhi Warancadde, waxaanu intaa raaciyey; “Waxaana dhici kara haddii la yidhaahdo sidan baa doorosho lagu galayaa waxa ka iman kara qasaare ballaadhan oo maanta diyaar loo ahayn. Waxa la ogyahay in dalkeenna diiwaan-gelintu si wacan uga dhicin oo waxa la doonayaa dadka ku codeeyey in laga uruuriyo kaadhadhka oo meel aan la garanayn lagu daadiyo oo xaqiiqa ah oo dadkii footeenayey si qayrul-caqli ah u kala bataan oo goballada laga helo boqokiiba sagashan kaadhadhka qaarna ay wayaan boqolkiiba afartan. Markaa, qatarta ka imanaysaa waxa weeye haddii gobolladaa aan laga taxadirin inay is qabsadaan oo waxa naga baxay kaadhadh badan dadkii qaan gadhay  uu seefarkii diyaar u ahayn. Sidaa awgeed, waxa weeye diiwaan-gelintaas maanta mid lagu gali karo maaha doorashooyinka soo socda.”

Cali Maxamed Warancadde waxa uu soo jeediyey oo uu yidhil; “Markaa, waxaan u soo jeedinayaa Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo daneeyayaasha doorashooyinka iyo Wakiillada, waxaan leeyahay intay goori-goor tahay in laga tashado oo loo yeedho nimanka nidaamkan noo sameeyay inaynu ka wada hadalno inta arrintan wakhtigeedu na soogalin oo meel la isla dhigo weeye. Qalooyinka Komishanka maalintii dhawayd sheegeen ee ahaa saddaxdii sano ee soo socdaba sannad walba  waxaynu galaynaa  doorasho, taasi arrin macquula maaha oo dalkani ka bixi kari maayo oo waxa meesha ka baxaya xisaabtankii dalkani lahaa oo wuxuu noqonayaa hal bacaad lagu lisay.” “Baaqii Komishanku siiddaayey maaha mid annaga noo cuntamaaya UDUB ahaan.” Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Cali Maxamed Waran-cadde.

Cali Warancadde, markii uu hadalkiisa dhammaystay Weriyayaashii Shirkiisa Jaraa’id ka qaybgalay waxay weydiiyeen su’aalo kala duwan, su’aalahaas iyo jawaabihii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan:-

S: Waxa la furay ururradii siyaasadda ee adigu ma waxaad tahay musharax, mase jirtaa oo ma is leeday samayn bay kugu yeelan kartaa  saddexda Xusbi ee hadda jira?

J: Horta annagu Xisbiga UDUB ahaan dhawr jeer baannu kahadalnay inay yeelanayso wax yeello, midda kaliya ee meesha tallaa waxa weeye innaynu adduunyada kaga dayano dimuquraadiyadda, Inkasta oo dimuquraaddiyaddu ay gadaal ka xun tahay oo wax yaabaha ay oggashay aynaan kuba gali karin oo waxaynu nahay dad Islaama oo innagu waxaynu damacnay inaynu ku dayanno maraykay  oo Maraykan iyo Ingiriis baynu ku dayanay. Maraykan iyo Ingiriis xadbay leeyihiin oo axsaabtoodu waa axsaab gaamurtay. Innaga mushkuladda inna haysataa waxa weeye oo ay kaga duwanahay marka ay hawshan hirgasho waxaynu jidaynay inay xusbiyo dhacaan dalkeenna oo waxay nagu tahay qasaaro badan, waayo?  xusbiyadan waa  lagu soo tabcay oo siyaasaddii bay im badan ku soo jireen oo maalin walba marka xusbi dhaco oo xusbi cusub oo yagleela uu yimaaddo wuxuu wataa dad  cusub iyo dhaqan cusub iyo talo cusub waxaa lumaaya siyaasaddeennii. Sida taas looga samatabaxo waxaan shicibka reer Somaliland ugu baqayaa Asxaabtii la fur ee Allaahu Aclam, si Axsaabtu aanay innooga baabbi’in in Asxaabtii jirtay gaar ahaan waxaan leeyahay tageerayaasha UDUB yeynaan u kala tagin Axsaabtoodii hore oo dadka ku soo biirayana ay ku soo biraan taas ayaan kula talin lahaa. Axsaabtana waxaan kula talin lahaa inay qaabkii hore wax ka beddelaan ee dadku ka diiday oo loo wada simanyahay oo nin walba  xusbiga uu doonayo in uu iska soo sharrixi karo annagu haddaanu nahay xisbiga Udub ciddii hore u joogtay ama ku soo biiraysa waxaannu u ballan-qadaynaa inay nala tartamaan cidda madaxtinimada doonaysa xisbiga dhexdiisa.

S: Waxaad ka tirsanayd xusbiga UDUB ee guul-darraystay doorashadii Madaxtooyada 26 June 2010, immikana waxaad u taagan  tahay inaad noqoto musharaxa Madaxweyne ee UDUB maxay tahay hantidada gaarka ah ee aad gashatay dadka ama aad isleedahay waa lagugu dooran karaa Waran-cadde ahaan?

J: Horta anigu masheegi karo hanti badan oo aan gashaday dadka, ma  jirto. Waxaan is leeyahay dadka waddanka ku nool inta joogta markaan qiyaasay iyo dadkii wax gashaday  waxaan is leeyahay mala meel xun ku dhici maysid oo immika wax aanu sheeganaynaa ma jirto. Wixii  nalooga bartay iyo wax ka siyaadaba inaanu u qabanno dalkaygay iyo dadkayaga diyaar baannu u nahay.

S: Waxa jirta in Madaxweynaha Somaliland uu safar ugu baxay dalka Shiinaha, isla markaana mid ka mida madax-dhaqmeedyada Somaliland (Buurmadaw) uu dhalliilo badan u jeediyey, kaasoo ay Madaxweynaha dhex martay  xurguf siyaasadeed, arrimaha labadaa Masuul maxaad kala socotaa ee aad nooga sheegi kartaa?

J: Dalka Shiinuhu waa dalka maanta  innoogu dhaw ee dalkan aynu maanta ku nool nahay ee Qaniga ah u diyaara inay wax ka soo saran, markaa in si deggan oo dalkana wax tar u ah in looga hadlo ayey u bahantahay. Arrintaana waan maqlaayey maalmahan oo waxa ka jiray hadallo badan oo aanan maanta diyaar u ahayn inaan ka hadlo.