“Tolow Saleebaan-gaal Ma Gu’baa u Kordhay Mise Garaad?” – Suldaan Xirsi Qani

Suldaan_Maxamed_Xirsi_QaniHargeysa (SLpost)- Suldan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, ayaa qoraal uu xalay soo gaadhsiiyey Wargeyska Ogaal ku naqdiyey feker guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan uu bulshada ugu soo jeediyey inaanu dalku wakhtigan u baahneyn khilaaf siyaasadeed.

Qoraalka Suldaan Maxamed soo gaadhsiiyey Ogaal oo koobnaa, ayaa u dhignaa sidan: “Ilaahaybaa mahadleh oo mudan in loo mahad naqo, mahad naqaas ka dib, waxa aan Akhriyey Wargeyska Ogaal cadadkiiisa 2058 ee soo baxay 02-09-2013.

Markiiba waxa indhahaygu ku dhaceen , cin waanka sarre ee khudbadii (Saleebaan Maxamuud Aadan)ka jeediyey xafladdii Ambasador Hotel, cin waankaa soo ahaa siyaasadda Dalkani maanta uma baahna khilaafaad .

Markiiba waxa aan is weydiiyey, ‘Toloow saleebaan Ma gu’baa  u kordhay mise garaad ,maxaa yeelay hore loogama baran inuu xaqdhawro dawladihii hore u soo maray dalkeena J/SL, sida uu u xaqdhawrayo dawladan manta jirta.”

Courtesy: Ogaal