Tirada Dagaalyahanno Al-Shabaab ka tirsan oo lagu Dilay Duqeyni lala beegsaday iyo Maraykanka oo ka hadlay

US war planes on strike

Djibouti (SLpost)- Taliska Hawl-galka ciidamada Mareykanka qaaradda Africa ee  marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano AFRICOM, ayaa sheegay inay dagaal-yahanno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ku dileen Duqeyn ay ka fuliyeen agagaarka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ee Soomaaliya Duqeyn ka dhacday gelinkii dambe ee Axaddii todobaadkan.

US war planes on strike
US war planes on strike

Mareykanka wuxuu sheegay duqeyntaasi oo dhacday 1-dii bishan in lala beegsaday fadhiisin ay ku sugnaayeen xubno ka tirsanaa ururka Al-shabaab, isla markaana aanu jirin khasaare dadka rayidka ah ka soo gaadhay weerarkaasi.

“Waxaan xaqiijineynaa inaanaan rayid ku dilin weerarkan, Shan Argagixisada ka tirsanaa ayaan dilnay, Ciidamada Mareykanka waxay diyaar u yihiin in ciidamada Soomaaliya ay ka caawiyaan sidii ay dalka uga saari lahaayeen xoogaga urura Al-shabaab,” sidaa waxa yidh Afhayeen u hadlay Taliska Mareykanka ee AFRICOM oo fadhigoodu yahay magaalada Dalka Jabuuti.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay inuu sii wadi doono talaabooyinka la xidhiidha Duqeymaha ay fulinayaan ee horey loo ansixiyay, si loo ilaaliyo ammaanka Muwaadiniinta Mareykanka iyo in la joojiyo khataraha Argagixisada.

Xoogaga ururka Al-Shabaab oo duqeyntan dhankooda ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in dhowr gantaal lala beegsaday gaadhi ay saarnaayeen dad shacab ah, laguna dilay ilaa saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen rag, halka mida kalena ay aheyd haweeney.

Mareykanka ayaa sanadkii tagay 2017-kii Soomaaliya ka fuliyay wax ka badan 30 weerar waxaana ay ka badan tahay weerarradii Mareykanka uu ka fuliyay Soomaaliya Sideeddii sano ee uu Madaxweynaha ahaa Barack Obama.

HOL