Tirada Dad Ciidamada Boolisku ku Qab-qabteen Hawl-galo laga fuliyey Caasimadda iyo Diginiin Taliye Fadal u jeediyey Gaadiidleyda

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa faah-faahin ka bixiyay hawl-gallo ay ciidamada Ammaanku maalmihii u dambeeeyey ka fulinayeen caasimadda, kuwaas oo la xidhiidhay xoojinta Ammaanka, ilaalinta nabadgalyada waddooyinka iyo la-dagaalanka maandooriyeyaasha.

Taliyaha-Booliska somalilndTaliyaha ciidanka Booliska waxa uu sheegay inay ciidamada ammaanku hawl-galladaas ku qab-qabteen 120 qof oo iskugu jira dhalinyarro rabshado sameeyay, Tuug iyo kuwo soo waarida maandooriyeyaasha.

“Haddii aan ka soo qaado saddexdii Cisho ee u dambeysay waxaanu qab-qabanay 120, iskugu jira Dhalinyarada Rabshadaha sameeya ee koox-kooxda isku dila, Tuug Caadaystayaal ah iyo Dad maadooriyeyaasha ka ganacsada, kuwaasi oo dhammaantood marka baadhis hufan lagu sameeyo Sharciga la hor gayn doono,” sidaas ayuu yidhi Taliyaha oo maantawarbaabinta ugu Warramay Xafiiskiisa.

Taliyaha oo ka hadlayey hawl-gallada ciidamada Nabad-gelyada waddooyinka iyo dhibaato kala haysata gaadiidleyda oo uu sheegay inay qaarkood ku xad-gudbaan shuruucda wadda-marista.

“Waddooyinka inta badan Shilal baa ka yimaada. Waxaad arkaysaa Gaadhi Laynkii uu ku jiray ka baxaya oo kuwii kale ee soo socday ka hor tagaya, wadooyinkeenuna way iska yar-yar yihiin. Waxaan halkan Gaadiidlayda iyo Darawaliintaba ugu digayaa inay ilaaliyaan Sharciga Wadda-marista Gaadiidka islamarkaana la shaqeeyaan Ciidanka Nabadgalyada Waddoonka oo ay Sharciga Raacaan, halkana waxaan ka farayaa Ciidanka Nabad galyada waddoonka Cid kasta oo oo si khaldan ugu xad-gudubta Xeerka Nabad-galyada waddooyinka in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado,”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Taliye Cabdilaahi Fadal waxa kale oo uu ka hadlay u diyaar garowga munaasibada ciida iyo adkaynta nabadgalyada, waxaanuu shacabka ugu baaqay in ciidanka gacan ka sii yaan ilaalinta iyo sugitaanka ammaanka sidii ay horeba ugala shaqan jireen.

SOMALILANDPOST.NET