Taliyihii sirdoonka Pakistan oo geeriyooday

Hargeysa(SLpost)-Madaxii hore ee hay’adda sirdoonka Pakistan ee loo yaqaano ISI, Jenaraal Xamid Gul, ayaa geeriyooday asagoo da’diisu ahayd 79 jir. Qoyskiisa ayaa sheegay in uu u dhintay dhiig maskada kaga furmay. Jenaraalka ayaa hay’adda ISI madax u ahaa dhammaadkii sideetameeyadii.

150815212023_hamid_gul_640x360_bbc_nocredit

Jenaraal Gul ayaa ka mid ahaa taliyayaasha ugu caansan milateriga Pakistan ee jiilkiisa, waxaana lagu yaqaanay afkaartiisa Islaamiga ah, iyo sida uu uga soo horjeeday Mareykanka iyo India.

Waxa uu taageero u fidin jiray xooggaga hubeysan ee ka dagaalama Afghanistan iyo qeybta ay India ka maamusho gobolka Kashmir.

In ka badan labaatan sano kaddib markii uu shaqada ka fariistay, ayaa Jenaraal Gul waxa uu inta badan la hadli jiray warbaahinta caalamka, asagoo xukuumadaha Washington iyo Delhi ku eedeyn jiray xasilooni darrida ka jirta dalkiisa Pakistan.

Dadka dhaliila ayaa u arkayay mid aan xaqiiqda ka hadlin isla markaana diidan dimuqraadiya. Balse taageerayaashiisa ayaa ku tilmaami jiray in uu yahay waddani dhab ah oo u taagan Pakistan iyo diinta Islaamka.

Xigasho BBC