TALEEX: Malleeshiyo-bileedkii ugu tira-badnaa oo Ciidanka lagu Qarameeyey iyo Mashaariic Horumarineed oo Weftiga Xukuumaddu ula tagay (DAAWO SAWIRRO)

TALEEX (SLpost)- Wefti ka kooban Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Xildhibaano Goleyaasha Qaranka ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyad Somaliland oo socdaal ku tagay magaalada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool, ayaa mashaariic kala duwan ka fuliyey deegaankaas.

Xubnaha Weftiga Dawladda ee gaadhay degmada Taleex, ayaa ka kooban Wasiirada Wasaaradaha Madaxtooyada, Arrimaha Gudaha, Kheyraadka Biyaha, Dhalin-yarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska, Wasiiru-dawlaha Nabadaynta gobollada Bariga, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Wacyigelinta iyo Dhaqanka, Maareeyaha Tv-ga Qaranka, Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo ka tirsan golaha Guurtida, Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Taliyeyaasha Ciidanka Booliska, Asluubta iyo Hogaanka Hawlgelinta Ciidanka Qaranka.

IMG_0575Weftiga oo noqonaya kii ugu miisaanka cuslaa ee xukuumadda Somaliland ku gaadho degmada Taleex oo gacan ugu jiray kooxaha nabad-diidka ah ee deegaankaas ka hor intii aanay ciidamada qaranku gacan-ku-haynteeda la wareegin, ayaa dadweynaha magaalada oo isugu jira madax-dhaqameed, Wax-garad, haween iyo dhalinyaro si weyn ugu soo dhaweeyeen. Weftigu waxa ay dadka deegaanka kala hadleen goob fagaare ah oo ay ka sheegeen in socdaalkoodu xambaarsan yahay mashaariic horumarineed iyo wax-qabad ay xukuumaddu ka fulinayso deegaanka.

IMG_0463Wasiirrada iyo xildhibaanada gaadhay Taleex, waxa ay saldhigga booliska degmada Taleex ku wareejiyeen Gaadhi Xaajiyad ah oo loogu talo galay Ciidanka Booliska si loo xoojiyo ammaanka iyo nabad-gelyada degmada.

Wefti Xukuumadda oo shalay ka soo amba-baxay magaalada Taleex, ay halkaas ka fuliyeen mashaariic kala duwan oo horumarinta adeegyada bulshada ah, halka sidoo kalena ay halkaas ku qarameeyeen malleeshiyo beeleed hore uga tirsanaan jiray Kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo, kuwaas oo isu dhiibay ciidamada Qaranka.

Ciidamada la qarameeyey oo ka kooban 150 Askari iyo 10 Baabuur oo ay wataan hore uga tirsanaan jiray Kooxda Khaatumo, ayaa munaasibad loo sameeyey qaramayntooda wax ka hadlay wasiirrada Arrimaha Gudaha, Madaxtooyada, Horumarinta Gobollada Bari iyo Kheyraadka Biyaha oo dhammaantood ka hadlay Qiimaha ay nabaddu u leeyahay horumarka bulshada isla markaana ilaalinta nabadgelyada deegaanka iyo shacabka ku nool ay tahay masuuliyadda u horeysa ee saaran Askari kasta oo Ciidanka ka tirsan.

DHEGAYSO SOO-DHAWAYNTA WEFTIGA

DHEGAYSO QARAMAYNTA CIIDANKA

 

SOMALILANDPOST.NET