Tacshiirad Askari Furay oo Uu Nin Gaadhiwataa ku Dhaawacmay Xaafada Daami

Hargeysa(SLpost)-Askari ka tirsan ciidanka booliska ayaa tacshiirad aku furay gaadhi uu watay nin shacab ah xaafada Daami ee Magaaladda Hargeysa, rasaastaas  oo uu dhaawac culusi ka soo gaadhay ninkii gaadhiga watay.

ilaa hada lama garanaayo sababta askarigu uu u rasaaseyay gaadhigaasi, waxase jiray rabshado maalmihii ugu danbeeyay ciidanka boolisku ay la tacaalayeen oo u dhaxeeyay dhalinyarada kooxaha ah oo wada dagan xaafada Daami.

ninkan dhaawacmay ayaa loola cararay cisbitaalka, waxaana goobta soo gaadhay boolis tiro badan, maalmihii ugu danbeeyay waxa soo kordhaayay toogashooyinka ciidanka boolisku ay kula kacayaa dadka shacaba ah kuwaas oo keenay dhimasho iyo waac.