Somaliya Oo Si Cadho Leh Uga Jawaabtay Bahdilkii Ay Kenya U Gaystay Raysalwasaarahooda

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga niyad jabsan tahay dhacdadii Sabtidii tagtay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi ku qabsatay wafti ka tirsan dowladda Soomaaliya, oo halkaas ku hakanayey, iyaga oo kusii jeeday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Dowladda Soomaaliya waxay nasiib darro ku tilmaamtay in qaar ka mid waftigii dowladda, oo ay ku jiraan afar xildhibaan lagu celiyey garoonka, taasi oo dib u dhac ku keentay safarkooda.Warxafaadeeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in ra’iisul iyo waftigiisa wasiirada aanay qeyb ka ahayn dadka la celiyey, islamarkaana si heeer sare loogu soo dhoweeyey qeybta VIP-da, hase yeeshee ra’iisul wasaaruhu go’aansaday inuu safarkiisa dib u dhigo sababo la xidhiidha xildhibaanada la xanibay.

Dowladda waxa kale oo ay sheegtay in heshiiska kala dhaxeeya Kenya uu yahay in diyaradaha sida madaxda dowladda aanay ku hakan magaalada Nairobi, si la mid ah kuwa shacabka, islamarkaana waftiga dowladda ay haysteen fasax ah inay ku hakadaan Nairobi.

iyada oo la eegayo heshiiskan, ayey tidhi dowladda Somaliya, xildhibaanada waxay Visa qaadan karaan marka ay yimaadaan garoonka, sidaa darteedna ma ahayn in la xanibo.Dowladda Somaliya waxa ay sheegtay inay cudur daar buuxa iyo sharaxaad ka fileyso dowladda Kenya inay ka bixiso sababta ay arrinta u dhacday.

Dawladda Kneya weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan, hase yeeshee sarkaal ka tirsan Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kneyatta ayaa warbaahinta waddankaasi u sheegay in dhacdadani ay la xidhiidhay “ku xadgudub borotokool” sida uu hadaka u dhigay. Waxaa warbaahinta Kenya ay qortay in diyaaradda Ra’iisul Wasaaraha aanay soo marin magaalada Wajeer oo lagu baadhi lahaa, hase yeeshee dawladda Soomaaliya waxay sheegtay inay heshiis la gaadhay Kenya in madaxda dawladda aanay soo marin Wajeer.