Somaliland oo Qabatay Wasiir Puntland ah oo Macdan ka Qodanaya gobolka Sool iyo Khasaare ka dhashay Iska Horimaad ciidan

Laascaanood (SLpost)- Subaxnimadii hore ee saaka ayay ciidamada qaranka ee Somaliland  ka war heleen in Wasiirkii hore ee kalluumaysiga ee Puntland dawladii faroole iyo ciidan uu wataa  Buur deegaanka magaaladda Caro-weyn u dhow macdan kaga qodanayaan.

Wasiirka oo lagu magacaabo Maxamed Faarax  Aadan, ayaa waxa weheliyey 5 nin oo kale waxaana uu watay gaadhi uu isagu gaar u leeyahay,raggan la socday ayaa isugu jiray rag macdanta aqoon u leh,iyo sidoo kale shaqaale  iyo qaar uu u watay qodaalka buurta.

Ka dib waxaa ka war helay ciidanka qaranka Somaliland ee degan magaalada Widh-widh iyadoo sida wararku sheegayaan ay shacabka deegaanku wargelin siiyeen,waxaana ku soo baxay ciidan uu wato taliyaha  ciidanka qaranka ee degmada Widhwidh  Sagaar Mursal Faarax, waxaana nimankaa iyo ciidanka dhex-maray is rasaasayn ka dib markay u hogaansami waayeen ciidanka oo socdaalkoodu ahaa inay ogaadaan xaalada dhabta ah ee meesha ka jirta.

Waxayna ka dhaawaceen ciidankaa uu watay  Wasiirkaa hore ee Puntland hal askari, ciidanku waxay ku guulaysteen in ay qabtaan Wasiirkii iyo 4 nin oo la socday iyo baabuurkii ay wateen halka mid ka mid ahi ka fakaday.

Waxaana ciidanku maxaabiistii geeyeen degmada Widhwidh ,halka ninkii dhaawaca ahaa loo qaaday magaalada Laascaanood, odayaal iyo xaalad waanwaaneed ayaa maxaabiistii lagu dhex galay sida ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Gudgudenews.com.

Waxa  caawa 10:00 cawaysnimo  ay wararku sheegayaan in ninkii dhaawaca ahaa ku geeriyooday magaalada Laas-caanood,magaalada buuhoodle oo uu ka soo jeedo wasiirku ayaa abaabul dhan ciidan iyo odayaynba abaabulkeeda lagaga jiraa iyadoo xidhiidhka taleefan ee waanwaantu yahay mid joogto ah haddana  waxaa xiisadu sii laba kaclaysay ka dib markii la soo sheegay dhimashada askariga dhaawaca ahaa.