Somaliland oo la kala safatay Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Isbahaysiga Sucuudiga iyo dalka Qatar

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay qayb ka tahay isla markaana ay la qabto go’aanka isbahaysiga Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabtu xidhiidhka ugu jareen waddanka Qatar, sidaas awgeedna ay dowlad ahaan wixii maanta ka bilaabma xidhiidhka u jareen dalkaas.

099A0001Isbahaysi ay hoggaaminayaan Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa xidhiidhka u jaray dalka Qatar oo lagu eedeeyey inuu taageero siiyo ururrada Xag-jirka ah iyo kooxo ammaan-darro ku haya waddamada Khaliijka Carabka, waxaanu go’aankani sababay in dalalkaasi xidhaan xuduudaha Hawada sare iyo badda ee ay la wadaagaan dalka Qatar, waxaanay taasi sababtay in diyaaradaha dalka Qatar ay isticmaalaan Hawada Sare ee waddamo ay Somaliland ku jirto.

Go’aanka xukuumadda ayaa ka soo baxay kaddib markii ay maanta shir aan caadi ahayn oo uu goob-joog ka ahaa madaxweyne Siilaanyo ay arrintan ka yeesheen Golaha Wasiirrada Somaliland.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire,waxa ay Somaliland shaaca ka qaadday inay taageersantay mowqifka ay dowladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabtu ka qaateen khilaafka ka taagan Gacanka Cadmeed.

099A6541War-saxaafadeedka oo xambaarsan saddex qodob oo lagu go’aamiyey shirka Golaha Wasiirrada, ayaa u qornaa sidan:- “Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo aaminsan mabaadii’da nabad ku wada noolaanshaha iyo xasiloonida Gobolka, kana soo horjeeda wax kasta oo wax u dhimi kara nabadda iyo deganaanshaha, isla markaana ka soo horjeeda xag-jirnimada iyo cid kasta oo taageerta xag-jirnimada.

Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo tixgelinaysa cilaaqaadka taariikhiga ah ee dhaqan, dhaqaale iyo siyaasi ee ka dhexeeya Somaliland iyo Wadamada Khaliijka, waxa ay Golaha Wasiirradu maanta oo taariikhdu tahay 10/06/2017 isugu yimaadeen shir aan caadi ahayn,kaasi oo uu guddoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirka Golaha Wasiirradu wuxuu ku saabsanaa khilaafka siyaasiga ah ee ka dhexeeya dalalka khaliijka iyo mawqifka Jamhuuriyadda Somaliland ay ka qaadanayso.

Sidaa darteed, waxa ka soo baxay Golaha Wasiirrada go’aamadan:-

  1. In Jamhuuriyadda Somaliland si buuxda u taageerto mawqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sucuudiga iyo Imaaraadku khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya iyaga iyo Dalka Qadar.
  2. Laga bilaabo maanta cid aan ogolaansho ka haysan Jamhuuriyadda Somaliland ma isticmaali karaan, mana mari karaan hawada Jamhuuriyadda Somaliland.
  3. Jamhuuriyadda Somaliland way u madax-bannaan tahay cirkeeda, dhulkeeda iyo baddeedaba, Soomaaliyana kama taliso, mana bixin karto ogolaansho cidi ku isticmaasho cirka, dhulka iyo badda Jamhuuriyadda Somaliland. Allaa Mahad leh.”