SOMALILAND: Dhaq-dhaqaaqa Gaadiidka Dowladda oo markii u horeysay lagula soconayo Barnaamij Casri ah oo maanta la daah-furay

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ku hawlan Qorshe lagu diiwaangelinayo dhammaan gaadiidka Dowladda, taas oo sahlaysa in si fudud loola socon karo dhaq-dhaqaaqooda, iyadoo qorshahan loo marayo Baraamij Casri ah oo daah-furkiisa maanta lagu bilaabay gaadiidka Madaxtooyada.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo uu weheliyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, ayaa maanta Daahfuray barnaamijkan oo noqonaya markii u horeysay ee noociisa laga hawl-geliyo dalka, iyadoo lagu bilaabay diiwaangelin lagu sameeyey gaadiidka dowladda ee ka hawl-gala madaxtooyada Somaliland.

FAAHFAAHINTA WARKAN IYO HADALLADA MASUULIYIINTA KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE

https://youtu.be/PXR1w2Ep_L4