Somalia: Wasiirkii Labaad oo Muqdisho ugu Geeriyooday Cudurka Covid-19

 

Muqdisho (SLpost)- Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada ee maamul-goboleedka Puntland, Dr. Ismaaciil Diiriye Gamadiid, ayaa cudurka Covid-19 ugu geeriyooday magaalada Muqdisho oo xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibayey.

Wasiirka ayaa maalmo ka hor diyaarad lagaga qaaday magaalada Garoowe ee caasimada Maamul goboleedka Puntland kadib markii xaaladiisa caafimaad ka sii dartay, iyadoo ay dirqi ku ahayd inuu neefsado.

Alle ha u naxariistee waxaa uu kamid ahaa wasiiraddii Puntland ee xanuunka uu ku dhacay markii ay arrimaha gurmadka u joogeen magaalada Qardho oo dhawaan daadad ku rogmadeen.

Masuulkan ayaa noqonaya wasiirkii ugu horeeyay ee cudurka u geeriyooda maamul-goboleedka Puntland, iyadoo ay jireen Wasiirro kale oo iyagana laga helay cudurkan kuwaas oo ay wada-socdeen marxuumka xilligii gurmadka loo fidinayey magaalada Qardho.

Sidoo kale, wasiirkan ayaa noqonaya masuulkii labaad ee dalka Soomaaliya ugu geeriyooday xannuunkan iyadoo uu hore xannuunkan ugu geeriyooday magaalada Muqdisho Wasiir-dowle ka tirsanaa maamul-goboleedka Hirshabeele oo xaalad caafimaad loo geeyey caasimadda Soomaaliya 12-kii Bishii April ee Sannadkan.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net