Sirdoonka Soomaaliya Oo Soo Bandhigay Ragg Iyagoo Xidhan Jalaabiib La Soo Qabtay

Muqdish(SLPOST)Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kusoo Bandhigtay Rag isugu jira Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Shabaab, kuwaa soo ka Qeybqaadanayay Falal lagu Carqaladeynayo Ammaanka Caasimadda.

unnamed1

Kaddib howlgal ay Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda somlia ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo qabtay illaa iyo 6-qof oo isuygu jira Horjoogeyaal hoose iyo Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Shabaab, kuwaasoo lasoo qabtay xilli ay ku guda jireen falal lagu carqaladeynayo ammaanka magaalada Muqdisho.

Xarunta Taliska Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka somalia ee Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu soo bandhigay Raggaani ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaasoo mid kamid ah lasoo qabtay isagoo xidhan Dharka dumarka iyo Indhashareer taasoo muujinaysa sida uu isku qarinayay, waxaana Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo nabasugidda somalia xaqiijiyeen in Ninkani lagu soo qabtay Howlgal ay ciidamu ka sameeyeen degmada Waaberi, islamarkaana la ogaaday inay isku xidhanyihiin isaga iyo afarta ruux ee kale oo qaarkood la sheegay inay yihiin horjoogeyaal hoose oo fududeynayay sameynta qaraxyada, dilalka qarsoodiga ah iyo bambaanooyinka lagu weeraro xarumaha hay’adaha dowladda iyo goobaha ay bulshada isugu yimaadaan.

Saraakiisha hay’adda nabasugidda ayaa intaasi ku daray inay ku raadjoogaan rag kale oo iyagu isku qarinaya xaafado ka tirsan degmooyinka gobolka banaadir, iyagoo ballaanqaadey in maleeshiyaadka gacanta lagu hayo la horkeeni doono maxkamadda si caddaaladda loola tiigsado.

Hay’adaha ammaanka somalia ayaa wada dedaallo ay uga hortagayaan falalka lagu carqaladeynayo amniga caasimadda, iyadoo Xukuumadda Soomaaliya ay xubnaha golaha Wasiirada u xilsaartay inay Maamullada degmooyinka iyo saraakiisha ciidamada kala qeybqaataan qorsheyaasha lagu xasilinayo amniga magaalada

 unnameddd3 unnamed44 unnamed2 unnamedtt

 Somalilandpost.net

Hargeysa/somaliland