Sidee ayey Dadweynaha Gobolka Gabiley u arkeen Is-casilaadda Cabdicasiis Samaale? (DAAWO Warbixin)

Gabiley (SLpost)- Dadwaynaha ku dhaqan magaalada Gabiley, ayaa siyaabo kala duwan u arkay is casilaadda wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale kaga cudur-daartay inuu qabto xilkii wasaarada Waxbarashadda ee madaxweynaha Somaliland u magacaabay.

Madaxweynaha oo habeen hore saqdii dhexe Isku-shaandheyn ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda, waxa uu xilalkii ay hayeen u kala beddelay  Wasiirkii hore Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo noqday Wasiirka cusub ee Wasaaraddda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, halka wasiirkii wasaaraddaas Samsam Cabdi Aadan ay noqotay Wasiirka Maaliyadda.

Sidee bay Dadweynaha Gobolka Gabiley u arkeen Is-casilaadda Cabdicasiis Samaale? (DAAWO Warbixin)Haseyeeshee, Cabdicasiis Samaale, ayaa sheegay inaanu mansab qaban doonin xukuumadda Siilaanyo hadday tahay xilka loo magacaabay iyo mid kale toona, waxaanu go’aankiisa ku sababeyey inay jiraan shirqool hoose oo madaxweynaha laftiisu aanu ka war-haynin oo sabab u noqday in xilka wasaaradda Maaliyadda laga beddelo.

Wariye Cabdikariim Muxumed Cadde oo ka tirsan Suxufiyiinta ka hawl-gala warbaahinta madaxa-bannaan ee gobolka Gabiley, ayaa warbixin kooban oo xambaarsan dareen shacabka degmada Gabiley qaarkood ka diyaariyey go’aanka uu Cabdicasiis Samaale kaga cudur-daartay inuu qabto xilka wasaaradda Waxbarashada.

HALKAN KA DAAWO